Muqdisho (Arabsiyonews) – Beesha Caalamka, ayaa isha ku haysa Qas siyaasadeed iyo mid Ciidan oo Shalay illaa Maanta ka taagnaa Magaalada Muqdishoo.
Qaska ka taagan Soomaaliya oo Maalmihii la soo dhaafay ku koobnaa Hadallo ay Warbaahinta isku mariyaan Isbahaysiga Mucaaradka ee ka soo horjeeda Muddo-kordhinta loo sameeyay Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Dawladdu, ayaa Maanta isku beddelay Gacan ka hadal.
Qaybo ka mid ah Waqooyiga Muqdisho iyo Jidka lagu Magacaabo KM4 iyo Isgoyska Fagax ee Badhtamaha Muqdisho, ayaa dagaal ku dhex maray Ciidamo Milletari ah oo ka soo goostay Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugnaa Jiidda Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Ciidamo ka amar qaata Dawladda Madaxweyne Farmaajo.
Xaaladda ayaa meelaha qaarkood faraha ka baxday, waxaana Xaafadaha qaarkood Dadku bilaabeen inay ka qaxaan, iyagoo beegsamaya Xaafadaha kale ee aanay dhibaatadu weli gaadhin.
Warbaahinta Caalamiga ah iyo kuwo Maxaliga ah, ayaa soo Tebiyey dhinacyada dagaalamayaa isku adeegsadeen hub culus.
BBC iyo Wakaaladda Wararka ee Reuters, ayaa baahiyey Muuqaallada Askar ku lebisan Direyska Ciidammada oo tuuraya hubka culus ee Garabka laga tuuro ee loo yaqaano Baasuukaha, taasi oo muujinaysa in dagaalku yahay mid culus.
Gacan ka hadalkan oo Muqdisho gelinaya Xaalad hubaal la’aan ah, ayaa waxa ka hadlay Wadammada reer Yurub oo taageera Dawladda Soomaaliya.
Xaaladda ayaa ka sii dartay Maanta, markii ay soo baxday in Ciidammada Dawladdu ay weerarree Guriga uu Muqdisho ka deggan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo Internet-ka ku baahiyey in ciddii soo weerartay qaadi doonto masuuliyadda wixii ka dhasha Tallaabadaasi.
Xasan Sheekh ayaa ka mid ah Midowga Musharraxiinta sida weyn uga soo horjeeda Muddo-kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo, ka dib markii Muddo-xileedkiisu ka dhamaaday bishii February ee sannadkan.
Dunida ayaa si weyn isha ugu haysa waxa socda Muqdisho, Tusaale ahaana Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolos Berlanga oo Qoraal u baahiyey Twitter-ka Caawa, ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan waxa ka socda Muqdisho, Cid kasta oo door ku lihina masuuliyaddeeda kaa qaadi doonto oo lala Xisaabtami doono.
Soomaaliya oo bilihii u dambeeyay oo dhan la daalaadhacaysay khilaaf ku saabsan habka loo qabanayo doorashada Baarlamaanka, ayaa weji kale gashay markii 2 sanadood wakhtiga loo kordhiyey farmaajo, taasi oo Xaaladda u rogtay Gacan ka hadal iyo dhinac walba qori Caaradii wax ku raadinayo.
Iyadoo Soomaaliya ku jirto Xaaladdaa hubaal la’aanta ah, waxa dhinaca kale Bulshada Caalamku indhaha ku hayaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Deegaannada Somaliland oo la qorsheeyay inay qabsoomaan 31-ka bisha May ee sannadkan 2021.
Doorashooyinkan oo mar la wada qabanayo, ayaa lagu waxa tartamaya 353 Kursi oo Goleyaasha deegaanka ah iyo 82 Kursi oo Golaha Wakiillada ah, waxaana inay Codkooda dhiibtaan isku diwaangeliyey Dad ka badan 1 Milyan iyo 2 boqol oo kun oo Qof, waxaana doorashada ku tartamaya isla-markaana Musharraxiintu iska soo sharraxeen Xisbiyada WADDANI, UCID iyo KULMIYE oo talada Somaliland, taasi ayaana keentay in Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Xaaladda Soomaaliya ay sheegto in Caalamku uu Somaliland ku qiimayn doono doorashooyinka soo socda, maaddaama oo Xaaladda Soomaaliya ka sii dartay.
Arabsiyonews.com
Arabsiyonews2020@gmail.com
Hargaysa Office








