Hargeysa (Arabsiyonews) – war ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, soona gaadhay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa lagu sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylci) uu ka qayb-galay kulan ay dawladaha hoose ee dalka iyo qaar ka mida wasaaraduhu ku kala saxeexanayeen barnaamijka JPLG-ga ee maamul daadajinta dawladaha hoose.

Kulankan oo ay kasoo qayb-galeen Maayiradda lix-degmo iyo wasaaradaha waxbarashada iyo caafimaadka ayaa laysaga kaashan-doona sidii loo sii dar-dargelin lahaa adeegyada caafimaad iyo waxbarasho ee dagmooyinkaas.

Ugu dambayn Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylci) oo kulankaasi khudbad ka jeediyay waxa uu sheegay in mashruuca JPLG-ga uu soo maray marxalado kala duwan oo bilaw ah maantana uu kor u qaaday qaar kamida baahiyaha aasaasiga ah ee dagmooyinka qaar, isagoo Madaxweyne ku-xigeenku xusay in degmooyinka aan qaybta ka ahayn barnaamijkana qaar kood lagu darayo sanadkan.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








