Warar si hoose uga soo dusay Aqalka Cad ayaa sheegaya in madaxweyne Trump uu tashi ka sameeyey sidii naftiisa uu ugu fidin lahaa cafis madaxweyne.
Wargeyska The New York Times ayaa qoray in Mr Trump uga gol leeyahay tallaabadan in uu kaga hortago in dad uu ku sheegay “cadowgiisa” ay la tiigsadaan qaanuunka marka uu xafiiska ka tago.
Waligeed ma dhicin in madaxweyne uu naftiisa cafis u fidiyo lamana oga halka ay dastuurka ka galeyso, waxaase laga soo xigtay Donald Trump dhawr mar inuu awood u leeyahat inuu iscafiyo.
Wargeysku wuxuu sheegay in Trump sidoo kale doonayo in is cafiska shakhsi ka dib uu soo saaro amar kale oo uu ku cafinayo xubno qoyskiisa ka mid ah iyo saraakiisha ku dhow, waxaana ka mid ah ilmihiisa Ivanka Trump, Eric Trump iyo Donald Trump Jr, Jared Kushner oo uu soddog u yahay iyo waliba Qareenkiisa gaarka ah Rudy Giuliani.
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office









