Weli waxaa socota tirinta codadka doorashada Madaxweyne ee dalkan Mareykanka looga dareeray Talaadadii la soo dhaafay.
Dhowr gobol oo tirinta codadka doorashadu ay weli ka socoto ayey ku xirantahay natiijada cidda Madaxweyne dalkan ka noqoneysa afarta sano ee soo socda, Madaxweyne Donald Trump oo hadda kursiga ku fadhiya iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden.









