Xafiiska Qurbajoogga oo hambalyo u diray Jaalliyadaha Somaliland Xuska Sannadguurada 29aad ee 18-May

0

Hargaysa (AN):-Agaasimaha Waaxda Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Mudane Sacad Maxamed Cabdi  ayaa dhambaal hambalyo ah u diraya dhammaan Jaalliyadaha Somaliland ee ku dhaqan daafaha caalamka Xuska Munaasibadda Qaran ee Sannad-Guurada 29aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbanaanida JSL 18 May 2020, isla markaana ugu baaqay inay si xoog u leh uga qaybqaataan dadaal dhaqaale ururineed oo soconaya illaa Xus Qarameedka 26-June ee sannadkan 2020
“Waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Jaalliyadaha iyo Qurbajoogga Somaliland ee ku dhaqan daafaha caalamka, dalkasta oo ay joogaanba, Xuska Sannad-Guurada 29aad ee ka soo wareegtay markii ay bulshada Somaliland dib ula soo noqdeen qaranimadooda 18 May 1991.  Waxa aan ku bogaadinayaa Jaalliyadaha Somaliland kaalinta firfircoon ee ay ka qaataan oogista xusaska maalmaha qaran ee dalkooda sannad walba meelkasta oo ay dunida ka joogaan. 18 May iyo 26 June waa laba xus qarameed oo dastuuri ah, qayb weyn ka ah taariikhda dalkeennu leeyahay  oo kala ah markii aan xorriyadda ka qaadannay Boqortooyadii Britain iyo Ireland 26 June 1960, iyo markii aan  dib ula soo noqonnay qaranimadii luntay 18 May 1991.”
“Maadaama aanay meellaba dalalka caalamka suurtagal ahayn qabashada munaasibadihii xuska, kulamadii, xafladihii dhaqanka, iyo isu soo baxyadii ay Jaalliyaduhu ku oogayeen xuska sannadkan xaalada jirta ee Xanuunka Safmarka ah ee Covid-19 awgeed, waxa aan ugu baaqaynaa Qurbajoogga Somaliland inay ugu debbaal degaan Xuska 18 May 2020 inaan ku waynayno qiimaha ay innoogu fadhido maalintani isticmaalka warbaahinta kala duwan oo aan adeegsanno, calamada iyo astaamaha qaranka oo aan sudhno guryaheenna, iyo inaan kaga qaybgallo taageero dhaqaale  Sanduuqa loo furay gurmadka la dagaalanka xanuunka Covid-19 iyo saamayntiisa caafimaad iyo dhaqaale ba ee uu Madaxweynaha JSL ku dhawaaqay. Waxa qayb ka ah dhaqaale ururintan mid hal dollar oo aan filayo in qofkasta oo Qurbajoog ahi awoodi doono inuu ugu tabaruco dalkiisa, waxanan wadaynnaa tan ururinteeda illaa xus qarameedka dambe ee 26-ka June 2020 haddii Alle Idmo. Sidoo kale, waxa aan aad iyo aad u dhiirrigelinayaa qaabkasta iyo xaddi kasta oo dhaqaale ururin iyo tabarucaad ah oo ay samafalayaasha Qurbajoogga iyo Jaalliyadaha Somaliland iyo iskaashigooda dhinacyada kaleba ay taageero dhaqaale maaliyadeed, mid alaabeed iyo qalab, mid farsamo iyo noockastaba ay ku soo caawin karaan dalkooda xlligan adag ee aan la tacaalayno la dagalanka xanuunka Covid-19.”
Halku dheggeennu waa “Debbaal Degga May ugu Deeq Dalkaaga Dollar (Celebrate May 18 by Sending a Dollar Home”,” waxanan wadaynaa dhaqaale ururintaas oo aan filayo in qokasta oo Qurbajoog ahi awoodi doono haddii Alle Idmo.
“Ku badbaadi dalkaaga adoo bixiya dollar”
“Save home by sending a dollar home”

HAMBALYO XUSKA 18 MAY 2020
Xafiiska Qurbajoogga Somaliland
Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL
Hargeisa, Jamhuuriyadda Somaliland
18 May 2020

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here