HAMBALYO XUSKA 18 MAY 2020
TAARIIKHDA 18 MAY IYO 26 JUNE EE SOMALILAND:
Taariikhda ay leedahay ummadi waxa ay qayb weyn ka tahay nolosha iyo mustaqbalka umaddaas iyo wadankooda. Taariikhda dadkaaga iyo dalkaagu waa muraayad aad ka arkayso qofka aad tahay, halka aad ka soo jeeddo ama aad ka timi, marxaladihii kala duwanaa ee dadkaagu soo maray, go’aannadii lagu guulaystay iyo khaladaadkii awoowayaasha iyo dadkii kaa horreeyay ee dalkaagu galeen ee kaaga baahan inaad ogaato oo aanad dib ugu dhicin, dhaqamada iyo caadooyinka fiican ee dadkaaga. Barashada iyo xog ogaal u noqoshada taariikhda wadankaagu waxa ay saamayn togan ku leedahay go’aan qaadashadaada mustaqbalka, inaad gaadho himidaada iyo hiigsiga horumarkaaga.
18 May iyo 26 June waa laba taariikhood oo waaweyn oo dadka iyo dalka reer Somaliland leeyihiin oo sheegaya markii ay Maxmiyadii Ingiriiska ee “British Protectorate Somaliland” ka qaadatay xorriyadeeda Boqortooyadii Ingiriiska sidaana ku noqotay dal xor ah oo madaxbannaan 26 June 1960, iyo markii dadka reer Somaliland ku dhawaaqeen inay dib ugala soo noqdeen madaxbanaanidooda dalka Somalia kadib midnimadii fashilantay ee labada dawladood wada galeen 1st July 1960. Sidaa darteed, waa laba xus qarameed oo xil iyo waajib ka saaranyahay umadda Somaliland in la ilaaliyo, lagu dhaqmo, la xuso oo la xasuusto waxyaabihii dhacay muddooyinkii u dhexeeyay, taariikhdii ka horraysay, siday noloshu ahayd, iyo taariikhda ka dambaysay illaa iyo markii Somaliland dib ula soo noqotay madaxbanaanideeda, iyo wixii iska bedelay nolosha iyo siyaasadda guud ahaan.
Xusaska 18 May iyo 26 June waxa ay u leeyihiin qiimo weyn bulshada Somaliland ee Qurbajoogga ah dhammaan wadamada ay joogaan maadaama ay yihiin dad ka maqan dalkoodii muddo dheer, iyo/ama ku dhashay qurbaha, aan waxba ku baran manhajkii dalkooda hooyo ee dalal kale muwaadiniin labaad u noqday.
Faaiidooyinka Qabashada Xus Qarameedada 18 May iyo 26 June ee Jaallliyadaha:
Jaalliyadaha Somaliland iyo Wakiilada Dawladuba inay qabtaan Munaasibadaha Xusaska 18 May iyo 26 June wadamada ay joogaan, waa mid ummad ahaan iyo waddan ahaanba faaiidooyin badani innoogu jiro, waxana ka mid ah kuwan hoos ku sheegan:-
· Ugu horayn waa xus qarameed maalmo taariikh innoo leh iyo waajibaad dastuuri ah oo aan gudanayno;
· Dhalinyaro iyo carruur badan oo qurbaha ku dhashay oo aan aqoon badan u lahayn waadankooda iyo taariikhda uu leeyahay ayaa sida qaramada kaleba u dhaqmaan aan uga faaiidaysannaa fursadda munaasibadaha xusaskan inay bartaan oo aqoon u yeeshaan si aanay u lumin xidhiidhka dalkooda hooyo ee Jamhuuriyadda Somaliland;
· Waa taariikh xuskeeda, shirarkeeda, isu imaatinkeeda iyo kulankeeda bulshadu xoojinayo isku xidhnaanshaha, wadajirka iyo midnimada Jaalliyada;
· Waa fursadaha ugu muhiimsan ee aan uga faaiidaysan karro inay jaalliyaduhu si midaysan ugu muujiyaan dawladaha iyo shucuubta wadamada ay joogaan taariikhda iyo qadiyadda madaxbanaanida dalka Jamhuuriyadda Somaliland taasoo waxka taraysa kor u qaadida wacyiga beesha caalamka ee jiritaanka iyo xaqiiqada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa darteedna taageeraysa geedi socodka dadaalka Ictiraaf Raadinta Somaliland;
· Munaasibadaha xusaskan ee Jaalliyaduhu waa fursado aan ku kasbanno saaxibbo caalami ah oo ku qanca sababaha dhabta ah iyo xaqiiqooyinka qadiyadda madaxbanaanida Somaliand ku salaysantahay, isla markaana innagu biiriya codkooda iyo caqligoodaba;
· Waa fursado ay Jaalliyaduhu si fiican uga faaiidaysan karaan dhaqaale ururin ay u qaadhaamaan mashaariic horumarineed iyo baahiyo mudnaan leh oo markaas ka taagan dalka hadba sida looga soo codsado ama loogu soo qorsheeyo.
Xuska 18 May iyo 26 June ee Jaalliyaduhu waxa ay wada koobsan karaan faaiidooyinkan sare oo dhan iyo ujeedooyinka aan ka leennahay marka ay gudiyada jaalliyadaha iyo/ama qabanqaabada laftoodu fahamsanyihiin, qorshena ka yeeshaan inay u qabtaan xafladaha, shirarka, bannaanbaxyada, iyo barnaamijyo kaleba hannaan suurtagelinaya in lagu gaadho ujeedooyinkaas sida lagu sheegay Talo Bixintan Warbixintan.
Hawl Tilmaameedka Qabashada Munaasibadaha 18 May iyo 26 June ee Jaalliyadaha
Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL waxa ay illaa sannadkii 2016 u gudbisaa Jaalliyadaha iyo Wakiilladaba kuna adkaysaa inay ku dhaqmaan qodobo Hawl Tilmaameed ama habraac ah oo sannad walba xilliyada 18 May iyo 26 June soo dhaw yihiin la xasuusiyo Jaalliyadaha laguna adkeeyo inay u raacaan munaasibadaha iyo hawlqabadkooda ku aadan xusaska sannad guurooyinkan taariikhiga ah. Ummad walba muwaadiniinteeda ka jooga daafaha adduunka waxa ay iska xilsaaraan inay tiro ay ahaadaanba u debbaal degaan maalmaha taariikhiga ah ee qarankooda hadba sida ugu macquulsan ee ay u awoodayaan. Haseyeeshee, ujeedooyinka laga leeyahay hab tilmaameedkan waa inay noqdaan munaasibadaha xusaska ee Jaalliyaduhu qabanayaan qaar waxka taraya ama taageeraya wacyiga beesha caalamka ee jiritaanka iyo xaqiiqada Somaliland iyo geedi socodka dadaalka ictiraaf raadinta 29-jirsaday 2020.
Waxa ka mid ah ama ugu muhiimsan nuxurka Hawl Tilmaameedkan loogu talo galay Jaalliyadaha Xusaska 18 May iyo 26 June qodobadan hoos ku sheegan:-
· Inay abaabulaan bannanbaxyo (Demonstrations and rallies) ay u maraan waddo sharci ah kuna muujiyaan taageeradooda rabitaanka shacbkiga Somaliland oo tusaale ku hortagaan xarumaha baarlamaanada iyo goleyaasha muhiimka ah ee wadamada ay joogaan;
· Inay Gudiyada hoggaamiyaha Jaalliyaduhu iyo Wakiilladu meelaha ay
joogaan qabtaan shirar qaabilis ah (Receptions) oo ay ku soo casuumaan ugu yaraan 30 xubnood oo saaxibada Somaliland iyo dhinacyo muhiim ah ka socda sida xildhibaanno, siyaasiyiin, suxufiyiin iwm, una soo bandhigaan taariikhda iyo qadiyadda madaxbanaanida Somaliland, nabadgelyada, horumarka iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland, iyo sidoo kale baahiyaha mudnaanta leh iyo qorshayaasha qaranka ee xilliga dhaw iyo wakhtiga dheerba;’
· Inay dhiirrigeliyaan ka soo qaybgalka dhalinyarada iyo carruurta qurbaha ku
dhalatay munaasibadaha xafladaha iyo kulamada bulshada ay qabanayaan oo marka ay suurtagal tahay kala saaraan xaflada dhaqanka (Music Event) ee dhalinyaradu ku badantahay iyo kulanka bulshada ee Xuska (Main Community Event);
· Inay u qoraan waraaq codsi ah hoggaamiyaha wadanka, baarlamaanka, iyo
goleyaasha muhiimka ah taasoo ay kaga codsanayaan inay aqoonsadaan madaxbanaanida JSL, isla markaana ka caawiyaan dhinacyada horumarka iyo maalgashiga;
· Inay u qoraan waraaqo si qof qof iyo koox koox ahba xildhibaannada
baarlamaanka ay soo doortaan ee degmooyinkooda ka soo baxay kana codsadaan inay taageeraan rabitaanka shacbiga Somaliland;
· Inay suaal waydiiyaan goleyaasha baarlamaannada ama dood ku saabsan
Somaliland;
· Inay aad u isticmaalaan laamaha warbaahinta dalalka ay joogaan iyo kuwa caalamiga ah oo ku qoraan maqaallo, siiyaan waraysiyo, ka hadlaan idaacadaha la iska arko iwm;
· Inay ku soo casuumaan xubno ka mid ah saaxiibada Somaliland ama xubno kaleba sida xildhibanno, siyaasiyiin, suxufiyiin, qorayaal iwm inay ka soo qaybgalaan munaasibada heer qaran Xuska dalka gudihiisa;
· Inay si weyn u isticmaalaan warbaahinta baraha bulshada ee internet-ka oo
qof waliba ka dhigo sawirkiisa calanka iyo astaamaha Somaliland;
· Inay uga faaiidaystaan fursadaha munaasibadaha xusaska inay dhaqaale ugu ururiyaan baahiyaha mudnaanta leh ee ka jira dalka iyo mashaariic waxqabad hadba sida loogu soo gudbiyo qorshaha.
XUSKA 18 MAY 2020 & DOORKA JAALLIYADAHA SOMALILAND
Xaaladda jirta ee xanuunka Covid-19 iyo xayiraadaha ujeedooyinka caafimaadka bulshada dawladaha caalamku soo rogeen oo weliba uu xanuunkani saamayn taban ku leeyahay wadamada ay ku badan yihiin Qurbajoogga Somaliland ee Europe, North America iyo dalalka Eeshiyaba, suurtagal maaha sannadkan inay Qurbajoogga Somaliland ku oogaan sannadkan xuska qodobo badan oo Hawl Tilmaameedka sare ku sheegan gaar ahaan xafladihii dhaqanka, iyo dhammaan wixii ku saabsan isu soo baxyo iyo kulamado la isugu yimaado. Inkasta oo sannadahan ay ku soo beegantay 18 May xuska 2020, ay Gudiyada Jaalliyaduhu waxka bedeli jireen munaasibadaha, hadana xaaladda xanuunkan ayaa sannadkan kallifaysa inaan la qaban kulamadii la qaban jiray oo qurbaha oo kaliya maahee aan xataa gudaha dalka lagu qaban doonin sida uu sheegay Madaxweynaha JSL, Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Haseyeeshee, hadana Qurbajoogga Somaliland siyaabo badan ayay u waynayn karaan qiimaha ay maalintani ku leedahay taariikhda dalka iyagoo fulinaya qodobo doora oo ku sheegan Hawl Tilmaameedka Xusas Qarameedyada kuwaasoo ay ka mid yihiin:-
· Isticmaalka xooggan ee warbaahinta kala duwan;
· Waraaqaha baaqa iyo codsiyadaha ah (Petitions) ee loo qorayo Xildhibaannada Goleyaasha degmooyinka iyo magaalooyinka ay xuquuqo doorasho ku leeyihiin Qurbajooggu;
· Calanka iyo astaamaha qaranka oo ay sawirro ka wada dhigtaan baraha bulshada ee internet-ka;
· Dhaqaale ururinta iyo tabarucaadka ay kaga qaybgalayaan la dagaalanka Xanuunka Covid-19 ee Dalkooda JSL;
· Calanka Somaliland oo ay ka wada taagaan guryahooda oo dhan maalinta 18 May ka horraysa illaa todobaadka lagu jiro; iyo
· Qaabkasta oo kale oo ay ugu debbaal degi karaan xuska maalinta qaran ee dalkooda iyagoo jooga guryahooda haddii Alle Idmo.
DEBBAAL DEGGA MAY UGU DEEQ DALKAAGA DOLLAR:
Xafiiska Qurbajoogga Somaliland waxa uu dhiirrigelinayaa qaab kasta iyo hab kasta oo ay Jaalliyadaha Somaliland ugu soo ururin karaan taageero dhaqaale iyo gargaar kaleba ololaha qaran ee la dagaalanka Caabuqa Safmarka ah ee Covid-19 kaasoo uu Madaxweynaha JSL ku dhawaaqay Sanduuq Dhaqaale lagula tacaalayo xanuunkan iyo saamaynta caafimaad iyo ta dhaqaaleba ee uu dalka gaadhsiinayo. Waxa qayb ka ah dadaalkan dhaqaale ururineed qorshaha ah in Qurbajoogga Somaliland sannadkan ku xusaan 18 May iyadoo qof waliba uu ugu bixiyo hal dollar uu ugu deeqayo gurmadka la dagaalanka Covid-19, dhaqaale ururintaas oo socon doontaa illaa xus qarameedka labaad ee 26 June 2020 haddii Alle Idmo.
Xafiiska Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debaddu waxa uu ku soo wargelin doonaa dhammaan Qurbajoogga oo warbaahinta loo soo marin doonaa akoonnada kala duwan ee lagu dirayo tabarucaadka oo noqon doonaa hannaan elaktroonik ah oo u sahlaya qofkasta oo Qurbajoog ah in isagoo gurigiisa jooga uu soo bixin karo halka dollar iyo hadba xaddiga lacageed ee awoodayo inuu ugu deeqo dalkiisa.
Faahfaahin dheeraada waxad kala xidhiidhi kartaa:-
Agaasimaha Waaxda Qurbajoogga
Sacad Maxamed Cabdi
Tell: +252 64 4403392 Email: sacad2231@gmail.com
www.sldiaspora.org
HAMBALYO XUSKA 18 MAY 2020
Xafiiska Qurbajoogga Somaliland
Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL
Hargeisa, Jamhuuriyadda Somaliland
18 May 2020









