Madaxweynaha Jubaland oo Dalacsiiyaay Sarkaalkii Fashiliyaay Qorshihii Dhagaraysan ee Fahad Yaasin

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Isniin ah Taliyaha Ciidamada darawiishta Jubbaland ee Degmada Afmadow Gaashanle Mahad Islaam u dalacsiiyay darajada Gaashanle dhexe.

Madaxweynaha oo kulan gaar ah la qaatay Sarakiisha Ciidamada Darawiishta ee ku sugan Degmada Afmadow ayaa uga mahad celiyay shaqada adag ee ay u hayaan shacabka iyo nabadgalyada ay deegaankan kusoo dabaaleen.

Si gaar ah Madaxweynahu wuxuu ku amaanay Gaashanle dhexe Mahad Islaam wadaniyada iyo dal jacaylka uu muujiyay isagoo iska diiday shirqoolka uu sheegay in ay dowladda federaalka la doonaysay maamulka Jubbland waa sida uu hadalka u dhigay Axmed madoobe