Dowladda Kenya ayaa maanta waxaa ay xirtay Iskuullada iyo Jaamacaddaha ku yaala dalka Kenya, kadib cabsi laga qabo inuu cudurka Corono Virus uu ku faafo gudaha dalkaasi.
Amarkan ayaa waxaa soo saaray Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta, kadib markii uu shirt jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoona sheegay in kiiska cudurka Corono Virus uu kordhay, taasina ay dhibaato badan ay keeni karto.
Sidoo kale Dowladda Kenya ayaa joojisay dhamaan duulimaadyada ka imaanaya dalka dibadiisa.
Shalay ayay aheyd markii Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu xaqiijiyay laba kiis oo dheeri ah oo ku saabsan coronavirus ka dib markii Khudbad uu jeediyay.
Labadda Kiis cusub ayuu sheegay in ay kasoo baxeen ka dib markii baaritaano lagu sameeyay 27 qof oo xiriir la sameeyay qofkii ugu horeeyay ee laga helay Coronovirus.









