Madaxweynaha Dawlad Deeganka Somalida oo U Jawaabay Raysal Wasaaraha Itoobiya

0

Jig Jiga (Arbsiyonews) Madaxweynaha Dawlada Deeganka Somalida Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa Si Adag uga Jawaabay qoraal uu Barihiisa Bulshada Ku Faafiyaay Maalintii Khamistii Raysal Wasaraha Itoobiya Abiy Axmed oo uu kaga Hadlay Dagalkii 1977 ee Somaliya Iyo Itoobiya Dhexmaray

 

“Dhamaan halgankii shacabka Soomaali Galbeed wuxuu ahaa halgan guumaysi-diid oo xalaal ah. Dagaalkii 1977kii wuxuu ahaa uun marxalad ka tirsan halgamadaa lagu diidanaa guumaysiga. Waa inaan ka run sheegnaa taariikhdeena oo aan diidnaa in cid kale inoo macneeyso taariikhdeena. Shuhadadii ku dhimatay difaaca dalkooda iyo dadkoodu waxay inaga mudan yihiin xus iyo maamuus joogta ah, iyagana muddan Taalo.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mustafe Muxumed Cumar Dubad.