Dhakhtarka Daawaynta Ilkaha Ee RAMAD Dental Clinic Oo Abaalmarino gudoonsiisay Shaqaalahooda’ Adeegyo Ilkaha Oo Bilaashana Ugu Deeqday Ciidamadda Kala Duwan Ee Qaranka Somaliland

Xurunta Dhakhtarka Ilkaha Hargeysa ee RAMAD Dental Clinic’ ayaa Abaalmarino gudoonsiisay Shaqaalahooda isla markaana Adeegyo Bilaasha oo dhinaca Ilkaha u samaysay Macaamiishooda iyo qaar ka mida Shacabka ku dhaqan Hargeysa iyada oo sido kale Ramad Dental Clinic ay Adeeg Bilaasha oo Ilka Gelin iyo Daya tira u samaysay qaybaha kala duwan ee Ciidamadda Qaranka Somaliland.

Xaflad ay maanta Hudheelka Dhoolayare ee Caasimadda Hargeysa Ku qabteen Maamulka Dhakhtarka RAMAD Dental Clinic’ ayaa waxa ka soo qaybgalay Madax ka kala socota Dowladda Somaliland’ Saddexda Xisbi qaran ee UCID’ Kulmiye’ Waddani’ Maamulka Iyo Shaqaalaha Dhakhaatiirta ee Ramad Dental Clinic’ Saraakiil iyo Madax Ciidamada kala duwan ka kala socotay’ Madax dhaqameed’ Dhakhaatiir kala duwan iyo Marti Sharafeed kale waxaana halka Abaalmarino lagu gudoonsiiyey Shaqaalaha Dhakhtarka Ramad oo Shaqo Wanaag Ku mutaystay Abaalmarino hadii iyada oo sido kale halka Maamulka Ramad Dental ay Adeegyo Caafimaad oo lacag la’aana Ugu sameeyeen qaar ka mida macaamiishooda Ku xidhan isla markaana ay Bakhtiyaanasiib adeegyo caafimaad oo lacag la’aan oo Ilkaha ugu samayeen 10 qof oo ka mida Marti sharaftii madashaashi ka soo qaybgashay iyada oo dhinaca kale Maamulka RAMAD Dental Clinical ay Isla Xaflada Abaalminada iyo Adeegyada Caafimaad ee lacag la’aanta ay Ku bixinayeen ay kaga dhawaaqeen inay Ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland ugu deeqeen inay si Bilaasha ugu deeqeen Daawayn ILKA Gelin’ Buuxin iyo Safayna oo Bilayska 15 Askar’ Milatariga 5 Askari ‘ Taraafiga 5 Askari’ Laanta Socdaalka 3 Askari ay daayi. Ilkaha ugu deeqayaan.

Agaasimaha Xurunta Dhakhtarka RAMAD Dental Clinical Dr Axmed Xasan Daahir oo ugu horayn Xaflada ay qabteen ka hadlay waxa uu yidhi “Ugu horayn Waxaan halkan uga mahadnaqayaa Madaxda kala duwan ee madashani naga soo Ajiibay inay naga la soo qaybgalaan ee ay ka midka yihiin Wasiir Ku xigeenka Caafimaadka’ Madaxda Xisbiyadda Qaranka ee UCID iyo Waddani’ Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Somaliland’ Madax dhaqameedka’ Dakhaatiirta’ Shaqaalaha RAMAD Dental iyo Marti Sharafta kale ee halkan aanu Ku casuumnay’ waxaan ugu Xafladan oo Sanadkiiba hal mar aanu qabano Ugu talo galaxy laba arimood kuwaas oo kala ah in aanu Shaqaalaha Dhakhtarka ka hawlgala Abaalmarino aanu Ku dhiirigalinayno kuwii shaqo wanaagooda Ku mutaysatay gudoonsiino Abaalmarino iyo in aanu macaamiishayada iyo shacabka aanu u adeegno halkan ugu samayno Adeegyo Caafimaad oo Bilaasha oo Ilka gelin’ Ilka Safayn ah iyada oo aanu 10 ka mida macaamiishayada nagu xidhan iyo 10 qof oo Marti mafaftan Xaflada ka soo qayb gashay oo aanu Bakhtiyanasiib dhex dhigi doono Adeegyo Caafimaad oo Bilaasha u samayn doono’ intaas uun maahe waxaanu sido kale Adeegyo Caafimaad oo Bilaasha u samayn doona Qaybaha kaladuwan ee Ciidankeena Qaranka Somaliland sida Ciidanka Bilayska oo 15 Askariya’ Ciidanka Milatariga oo aanu ugu deeqnay 5 Askari Ugu deeqnay’ Ciidanka Taraafikada oo aanu 5 Askari Ilkaha u daawayn doono iyo Ciidanka Laanta Socdaalka oo 3 Askari aanu adeegan uga faa’iidayn doono”

Siyaasi Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo isaguna Afka Xisbiga Mucaaridka ee UCID Ku hadlaayey ayaa halkaasi ka hadlay isla markaana waxa uu Amaanay Maamulka Dhakhtarka Ramad Dental Clinic gaar ahaan Aasaasaha dhakhtarkani Dr Maxamed Axmed Xirsi oo uu sheegay in uu aqoon fiican isagu u leeyahay mudo dheer isaga oo dhinaca kale Yuusuf amaanay adeega daawaynta Ilkaha oo aqoon Ku dhisan inay Ramad Dantal u soo kordhiyeen Shacabka Somaliland maadaama ay Baahi wayn u qabteen isla markaana ay wadamo shisheeye oo kharash badani kaga bixi jiray inay Baahidaasi uu dhakhtarkani umada u fududeeyey inay Hargeysa maanta ka heli karaan’ waxaanu sido kale Yuusuf Kayse si gaara Ugu amaanay Maamulka iyo Dhakhaatiirta Ramad Dental Clinic oo uu Ku bogaadiyey inay noqdeen dhakhtarkii ugu horeeyey ee uu arkay inay Ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland ugu deeqeen Adeegyo Bilaasha oo Ilkaha loogu daawaynaayo.


Wasiir Ku xigeenka Caafimaad ka ee Somaliland md Mahdi Cismaan Buuri oo isagana xafladaasi dadkii lagu Marti qaaday ee ka hadlay ka mida ahaa waxa uu halka si wayn uga amaanay Maamulka iyo Dhakhaatiirta Cusbitaalka Ramad Dental Clinic oo uu Ku bogaadiyey deeqda Bilaashka ee ay Ugu deeqeen tiro ka mida Ciidamada kala duwan ee Ciidamada Qaranka Somaliland isaga oo Cusbitaaladda iyo Dhakhaatiirta kale ee Gaarka loo leeyahay ee magaalooyinka Dalka gudihiisa Ku kala yaala Ugu baaqay inay Ku daydaan talaabada uu qarankiisa iyo Shacabkooda ay wax dib Ugu celiyeen Maamulka Cusbitaalka Ramad Dental Clinic oo noqday sida wasiirku sheegay Cusbitaal umadda Somaliland faa’iido iyo waxtar umada iyo Qaranka Somaliland u yeeshay.



Ugu dambayntii wasiir Ku xigeenka Mahdi Cismaan Buuri iyo Madaxdii Xisbiyadda Qaranka ee Madashaasi ka qaybgalay waxay halka mid mid ay Abaalmarinadii ay Shaqaalaha RAMAD Dental shaqo wanaaga Ku mutaysteen ay kala gudoonsiiyeen iyada oo dhinaca kale ay Tigidho Bilaasha gudoon siisay 10 qof oo macaamiishayada Ku xidhana iyo 10 qof oo ka mid ahaan Marti sharaftii Xaflada ka qaybgalay ee Ku guulaystay Bakhtiyaa asiib dadkii madasha ka soo xaadiray kaga qaaday kuwaas oo Adeegyo Ilka Daawayn oo Bilaasha ay Ramad Dental u samayn doonto iyada oo ay Ugu dambayna sido kale Tiro Qaybaha kala Duwan ee Laamaha Ciidamada Somaliland ka kala tirsan oo 40 Askari ka kooban ay RAMAD Dental Clinic u samayn doonto Adeegyo Caafimaad oo Bilaasha oo dhinaca Ilkaha ah.










