Tiriig Aan Tuur tuur Ubaahnayn

0

Magaalada Gabiley waxa soo maray Maayirro kala duwan tan iyo markii dalka lagu soo noqday, kuwaasoo mid waliba xilka kaga tegay mustawe la yaqaano iyo wax-qabad lagu xasuusto oo ugu jira diwaan-gelinta xusuusta Bulshada ku dhaqan magaaladaas, iyadoo qaar kamid ah Maayirraddii soo maray Magaalada loogu magac-daray goobo muhiim ah si loogu xusuusto.

Waxaana kamid ah Dugsiga Sh. Muxumed Warsame oo loo bixiyey magacii Sh. Muxumed  Warsame oo ahaa Maayirkii dhagax-dhigay sanadkii 1953-kii xilli ku beegan.

Maayirka Maanta iyo Dhalinyarada

Maxamed-amiin Cumar Cabdi, waa Maayirka iminka ee Magaalada Gabiley. Waa  masuul aad u da’ yar oo aan filayo inuu yahay duqii ugu yaraa da’ ahaan ee soo mara Magaaladan.  Waa masuul haba gu’ yaraadee ee ay hogaamin, hufnaan maamul iyo hayal-samaan badan looga bartay intii uu xilka hayey, taasoo sababtay inuu taageero balaadhan ka heysto bulshada ku dhaqan magaalada iyo guud ahaan Gobolka.

Maayirkan oo xilka hayey muddo afar sannadood ku dhow, intii uu hogaaminayey Golaha Deegaanka  waxa Magaalada ka socda horumar la taaban karo, iyadoo si weyn magaaladu u kobocday, laga hirgeliyey adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada oo ku lamaan koboca Magaalada.

Dhinaca kale, isku-xidhnaanta iyo wada-shaqeynta Hay’addaha dawladda ee heer Gobol iyo mid degmo, ayaa aad u wanaagsan , iyadoo la odhan karo Maayirku wuxuu udub-dhexaad u yahay hufnaanta iyo howl wada-jirka laamaha dawladda ee hir-galay.

Maayirka Gabiley Maxamed-aamin Cumar, Waxa xaqiiqo ah inaanu ahayn masuul ka war la’ wacyiga iyo waayaha shacbiga uu Masuulka u yahay oo ay sababtu tahay waa Nin da’ yar, kuna xidhan mujtamacii soo doortay, taasoo aad ka dhadhaminayso dareen-celinta dhalinyarada markaad kala sheekaysato ama aad dhaliilsho dawladda hoose iyo Madaxdeeda.

Sidoo kale, Maayir Amiin, Maaha Nin lagu xanto musuqmaasuq, Macaash-urursi, macan-gagnimo, maamul-liidta iyo war-moogganaan, halka Maayirada Magaallooyinka dalka qaarkood lagu eeddeeyo inay shantaa qodob ee dulleeya Dawladnimada ka ugu yari laba kamid ah ku kaco.

Ugu dambeyn, Ma odhan karno waa ma khaldame, ama malaha wax dhaliil ah Masuul xil-hayaa, hase ahaatee waxa ay Bulshada reer Gabilay mar walba isugu markhaati-furaan in uu yahay Maayir wax badan ka qabtay horumarka Magaalada iyo Gobolka, kuna jiro liiska Maayirradii ugu waxqabadka badnaa ee soo mara Magaalada.

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office