Dadwaynaha Ku Dhaqan Magaalada Hargaysa iyo Nawaaxigeeda Waxaa Lagu Wargalinayaa inay Iska Ilaaliyaan isla Markaana Ay Cidii Aragtaa Ku War Galiso Ciidamada Police-ka
Libaaxa Ayaa 7:00 Caawa Ka Baxay Gacanta ilaaladii Libaaxyada Cali Waran Cadde
ilaa imikana Lama Garanaayo Meel Uu Ku Suganyahay Libaaxaasi Baxsaday
Gawaadhi Lagu Xidhay Makarafoono iyo Sameecado Cod Dhaadheer Ayaa ku Wareegaaya Gudaha Caasimada kuwaasi Shacabka ku Wargalinaaya in Dadka Magaaladu Ay Hore Guryahooda uga Galaan isla Markaana Soo Sheegaan Hadii Ay Arkaan Lagu Libaax-xaasi
Mulkiilaha Libaaxyada Cali Maxamed waran Cadde “iyo Sidoo kale Shaqaalaha Libaaxyada iyo Ciidamada Police-ka Ayaa Raadco Ugu Jira Sidii Libaaxaasi Gacanta Loogu Soo Celin Lahaa Ama Loo Toogan Lahaa Intaanu Bulshada Khasaare Nafeed Ugaysani
Libaaxan Ayaa Ah Mid Halis Badan Oo Gaysan Kara Dhibaato Badan
Dadwaynaha Ku Dhaqan Degmooyinka Gacan Libaax . Macalin Haaruun Iyo Maxamuud Haybe Ayaa Markii Ay Warkaasi Maqleen Guryahooda Ku Xarooday
Saacado kooban Ayaa Ay Cidlo Ku noqdeen Oo Guryaha La Galay
By Yusuf Dool









