Maamulka Jubbaland Oo Kismaayo Ka Celiyay Sarkaal Sare

0

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay garoonka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in garoonka ay ka celiyeen wafti uu hoggaaminayo taliye cusub oo loo soo magacaabay ciidamada xerada 43-aad ee federaalka ee qaabilsan gobolada jubbooyinka.

Taliyahan cusub ayaa lagu magacaabaa Jeneraal Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow)sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Ciidamada guutada 43-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Kismaayo waxaa hadda taliye ka ah Jeneraal Ismaaciil Saxardiid.

Jeneraal Bagmadoow oo horey uga tirsanaan jirey ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, balse sanadihii dambe qurbaha ku maqnaa ayaa darajada jananimada loo dalacsiiyay bishii hore.