Golaha Wasiiradda Oo Ansixiyay Miisaaniyadii Sannadka 2018-ka Iyo Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Dood Laga Yeeshay Miisaaniyadda

0

Kal-fadhi ay golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somalialnd maanta oo Salaasa ah yeesheen oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah loogu ansixiyey odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2018-ka oo ay goluhu dooddeeda hore u gudo galeen.

Odoroska miisaaniyad sanadeedka qaranka ee 2018-ka oo cadadkeedu dhan yahay 1687000,000,000 (Hal trillion, lix Boqol iyo Siddeetan iyo Toddoba Bilyan), SL shilling, ayaa xambaarsan korodh dhan 9%(Boqolkiiba Sagaal) marka loo eego middii ka horraysay ee 2017-kii, waxaana 34.5% (Boqolkiiba Afar iyo Soddon iyo badh) kamid ah miisaaniyaddan loo qoondeeyey mashaariic horumarineed, iyada oo Ciidamada qalabka sida iyo macallimiinta mushaharkooda kor loo qaaday, isla markaana la kordhiyey raashinka maxaabiista jeelasha dalka ku jira.

Halkan hoose ka DAAWO muuqaalka warkan