Laascanood. 17 Jan,2018(Ardaamedia.com):-Magaalada Tukoraq Ee Gobolka Sool ayay dhawaan la wareegeen Gacan Kuhaynteeda Ciidamada Somaliland .kadib markii dagaal saacado kooban socday ku dhexmaray Ciidamo ka amar qaata maamulka puntland oo halkaasi kusuganaa
Waxa Sidoo kale degaanka Tukoraq gaadhay Wefti isugu jira Wasiirro iyo Xildhibaano ka socda Dawladda Somaliland
Weftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Biyaha Somaliland Saleban Cali Koore , kana mid yihiin Xildhiban Cabdiqaadir Indho-indho oo kamid ah Golaha Guurtida, ayaa sidoo kale booqday Saldhigyada Ciidanka ee jiidaasi qaarkood, halkaasoo ay kula kulmeen Saraakiisha Ciidamada iyo DadKa Deegaanka oo ay ku booriyeen inay ka wada shaqeeyaan Ilaalinta nabad-gelyada iyo xasiiloonida deegaanka.
Weftigan ayaa socdaalkoodu la xidhiidhaa xaqiiqo-raadin Ku saabsan xaalada deegaankaasi iyo sidii ay ugu kuur-geli lahaayeen.
Hore waxa Magaalada Tuka-raq u booqday madaxda Maamulka Gobolka Sool markii Ciidanku halkaa gaadhay kormeer indho indhayn ku tegay , iyadoo ay Saraakiisha Wasaarada Maaliyada ee Gobolka Sool sheegeen inay dib u furayaan Kastamka Cashuuraha ee Magaaladaas ku yaalla oo ay Maamulka puntland gacanta Ku hayeen
.
Hadaba waa side xaalada degaanka Tukoraq?
Waxa khadka telophoneka Ugu waramay Warbaahinta Ardaa Maxamed Cabdi Maxamuud oo ah Ganacsade Jooga Magaalada Tukoraq,waxaanu si faahfaahsan uga warbixiyey xalada xilagan
Source Ardaamedia.com









