Halka ka daawo Faah faaina dheerad ah oo kasoo baxaya Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho(AN):-Weerarka  ayaa ku billowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday hoteelka oo ku yaal inta u dhaxaysa Ex-Baarlamaan iyo Tiyaatarka, ka hor inta hoteelka aysan gudaha u gelin koox hubaysan.

Daqiiqado kaddib qarax kale ayaa dhacay dibadda hoteelka, kaa oo xaaladda uga sii daray.

Hoteelka ayaa ilaa saaka laga maqlayay dhawaqa rasaasta, ka hor inta ciidamada ammaanku aysan soo afjarin weerarkaasi.

Tirada dhimashada ayaa la sheegayaa in ay ka badan tahay 20 qof halka dhaawacuna uu ka badan yahay 30 qof.

 

Arabsiyonews.com

Muqdisho Office