Doorashada madaxtinnimo ee ku celiska ah ee Kenya ayaa waxaa saameyn ku yeeshay isku dhacdo iyo mucaaradka ugu weyn oo qaaddacay.
Wiil dhalinyaro ah ayaa waxaa toogtay booliiska, isagoo goor dambe dhintay, kaddib markii ay isku dhacyo ka dhaceen magaalada uu mucaaradku ku xooggan yahay ee Kisumu, oo ah mid ka mid ah deegaannada afarta ah ee qalalaasuhu uu saameeyay.
Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in cod-bixinta deegaannadaas dib loo dhigi doono ilaa Sabtida.
Madxaweyne Uhuru Kenyatta ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii August, balse mar kale ayaa doorashada lagu celiyay sababo la xiriira inaysan si sax ah u dhicin.
Madxaweyne Kenyatta ayaa doonaya in mar labaad la doorto. Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa ka laabtay musharraxnimadiisii madaxtinnimada.
Gudoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ayaa horay u sii sheegay in xorumaha coddayntu ay furmi doonaan 6:00 subaxnimo, ka dib markii ay xukuumadu damaanad qaad siisay.
Tobannaan kun oo booliis ah iyo xubnaha kale ee laamaha ammaanka ayaa loo daad gureeyay goobaha cod bixinta si ay u sugaan ammaanka goobaha laga codaynayo iyo xarrumaha codka laga dhiibanayo.
Taageerayaasha Mucaaradka NASA ayaa taayiro ku gubay xaafadda isku raranta ah ee Kibera iyagoo mudaaharaad dhigay 25kii OktoobarKenyatta oo dadka ugu baaqaya in ay codeeyaan ayaa sheegay in awawyadood ay u soo dagaalameen una dhinteen xaqa in dadka Afrikaanka ah ay codkooda dhiibtaan. Waa in aynaan ku dhiiranin diiditaanka dhaxalkaas ayuuna sii raaciyay.
Ku dhawaaqitaanka natiijadii doorashadii 8 Agoosto ee uu ku guulaystay Uhuru ayaa horseeday in la dhaliilo Guddiga Doorashooyinka ee Kenya.
Todobaadkii hore xubin sare oo Guddiga Doorashada ee Kenya ka tirsan ayaa u carartay Maraykanka ka dib markii ay la kulantay hanjabaad.









