Hargaysa(AN):-Xisbiga Mucaaridka ee Waddani ayaa laga baafinayey xaafadaha iyo degmooyinka magaalada Hargaysa,xili uu maanta ulahaa maalintii labaad ee kaltanka Ololaha Doorashada,
Xisbiga Mucaaridka ee Waddani ayaa gabi ahaanba aan ka dhex muuqan wadooyinka iyo fagaarayaasha loo asteeyey dhoolatuska iyo Muujinta Taageeraysha asxaabta qaranka.
Xisbiga Waddani ayaan sidoo kale saaka umuuqday habqan marka loo eego tirade yare e saaka ka soo xaadirtay beerta xorriyada oo umuuqatay mid aan xisaabtaba ugu jirin wax ismuujin ah oo tageerayaasha iyo Masuuliyiinta Xisbiga Waddani xisaabta ku darsadeen
Tageerayaasha fara ku tiriska ah ee saaka ku soo hungoobay fagaaraha muraayada u ah quwada asxaabta ku loolamaysa tartanka ee Beerta Xorriyada aya umuuqday qaar niyadjabsan hankii ay kala hayeen Xisbiga,
Waxa sidoo kale gudaha magaalada Hargaysa aad ku dhex arkaysay saddex baabuur oo nooca loo yaqaan Tukhaanka oo sidii anbadka ku jah wareersan dhoolatuskiina ku kali yaystay iyo madiga ay ku noqdeen ismuujintii xisbigii ay uhanwaynaayeen,
Waxa kale oo xusid mudan qaar kamid ah degmooyinka caasimada oo xubno kamid masuuliyiinta Xisbigaasi ay booqdeen in ay kala kulmeen wajigabax aan sida looga soo garwaaqsadaa ay qaadanayso mudo fog
Halka qaar kale oo isla Masuuliyiintaasi ay maciin bideen in ay khudbado ay ugu talageel tageerayaasha ay ku hungoobeen ujeediyaan ay ku noqotay in cidlo ciirsila ay dhagaysigeda marti uga noqdeen carruuro fasax ka ahaa Malcaamadaha iyo madaarista da’a ahaana aan kaba waynayn lix jiro (Under age)

Arabsiyonews.com
Hargaysa Office









