Warsaxafadeed: Dalada SONSAF oo Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ugu baaqday Ilaalilanta Anshaxa Xeerka Doorashooyinka

0

Warsaxafadeed Dalada SONSAF oo Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ugu baaqday Ilaalilanta Anshaxa Xeerka Doorashooyinka

Date: 12/July/2017
WAR-SAXAAFADEED
Kulan ay isugu yimaadeen, Madasha Ururada Bulshada Rayidka ah ee arrimaha
Doorashooyinka, oo ah madal ay ku midoobeen 86 urur oo ka jira dhammaan Lixda
Gobol ee Somaliland, oo ka dhacay Xarunta Guud ee SONSAF 11/07/2017, lagu na
falanqeeyay habsami u socodka kaadh qaybinta codbixiyayaasha doorashooyinka.
Waxa ka soo qaybgalayaashu si mug leh u qiimeeyeen hab-dhaqanka Xisbiyada
Siyaasadda ee wakhtigan kaadh qaybintu socoto. Madashu waxay isla maalintaa la
kulmeen masuuliyiinta Xisbiga UCID, iyaga oo dhagaystay cabasho ay ka muujiyeen
hab dhaqanka labada Xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI intii ay bilaabantay kaadh
qaybinta Codbixiyaasha Doorashooyinku.
Hadaba, goob-joogayaasha Maxaliga ah ee Bulshada Rayidka ah ee sida dhow ula socda
hawsha kaadh qaybinta ee Gobolada Maroodi jeex iyo Togdheer waxay diiwaan
geliyeen dhacdooyin kala dambeeyay oo labada Xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI ay
si cad oo aan gabbasho lahayn ugu xad-gudbeen una jebiyeen Qodobada 3aad, 6aad iyo
Qodobka 7aad Faqradihiisa 13aad iyo 14aad ee Xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyada
Siyaasadda ee wakhtiga Kaadh-qaybinta, kaas oo ay kala saxeexdeen Xisbiyada iyo
Guddida Doorashooyinka Qaranku bishii, Afraad, 23 keedii, 2017.
Madasha Bulshada Rayidka ah ee Arrimaha Doorashooyinka ee Somaliland waxay
canbaaraynaysaa tallaabada ay ku jebiyeen Xisbiyadda KULMIYE iyo WADDANI
Xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyadda Siyaasadda ee Mudada Kaadh-Qaybinta
Codbixiyaha.
Madasha Bulshada Rayidka ee Arrimaha Doorashooyinku waxay ugu baaqaysaa
Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI in ay joojiyaan ku xad-gudubka Xeerka Habdhaqanka
Xisbiyadda Siyaasadda ee muddada Kaadh-Qaybinta Codbixiyaha, isla
markaana ay dib ugu soo laabtaan xayndaabka Xeerka.
Madashu waxay u soo jeedinaysaa Xisbiyada Qaranka, inay ka fogaadaan wax kasta oo
u muuqan kara inuu ka hor imanayo xeerarka doorashooyinka iyo codbixiyayaasha gaar ahaana Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr,
37/2014, Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanka Xeer Lr.
20/2001 ee wax- ka badalka iyo kaabista lagu sameeyay 2017 iyo Xeer hoosaadka Habdhaqanka
Xisbiyadda Siyaasadda ee Mudada Kaadh-Qaybinta Codbixiyaha.

Allah Baa Mahad Leh.
Madasha Ururada Bulshada Rayidka ah ee Arrimaha Doorashooy