[DEG DEG] Madaxweynaha Somaliland Oo Dalka Ka Dhoofaya + Marti-Qaad Rasmi Ah Oo Uu Helay Iyo Goorta Uu Baxaayo.

0
Hargaysa (Arabsiyonews.com) Madaxweynaha somaliland axmed maxamed maxamuud siilanyo ayaa wararku sheegayaan inuu safar marti qaad ah ugu bixi doono gudaha bisha ramadaan dalka imaaraadka carabta

 

Axmed maxamed maxamuud siilaanyo madaxweynaha somaliland oo marti qaad rasmi ah ka helay imaaradka ayaa xogta karin helayso waxa loo sheegay inuu arimo ku saabsan saldhiga berbera ka wadda hadli doonaan madaxda dalkaasi

 

Dawladda imaaradka carabta oo si weyn u danaynaysa dalka somaliland inay maal gashato isla markaana ay mashaaric horumarineed ka fuliso ayaa waxa iska soo daba dhacaya marti qaadyada madaxda sare ee waddanka ay u fudinayaan dalkaasi

 

Madaxweynaha somaliland ayaa la filayaa inta lagu gudda jiro bisha ramadaan inuu safarka imaaradka u baxo isla markaana soo noqdo isla ramadaanta gudaheeda waxaana arinka madaxweynaha warar aan la xaqiijin sheegayaan inuu hawlo gaar ah u baxaayo balse arinka ma jirto cid si dhab ah u cadaysay.

 

Madaxweynaha lama shaacin goorta dhabta ah ee uu baxaayo balse waxa wararku sheegayaan in inta lagu gudda jiro bisha ramadaan uu baxaayo soona noqonaayo isla ramadaan
hargeisaoffice