Ceerigaabo(AN)-Kulan deg deg ah oo lagu qabtay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco, ayey saraakiisha Caafimaadka ee Gobolka Sanaag iyo Maamulka Cisbitaalku kaga dhawaaqeen in Kiisas Xanuunka Shuban-biyoodka lagu arkay gudaha Magaalada iyo Deegaamo kale oo ka mida Gobolka.
Kulankan oo ay ka qayb-galeen Maamulka Cisbitaalka, Saraakiisha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka, xubno kamida Golaha Deegaanka Ceerigaabo iyo Wakiillo ka socday Hay’addaha sama-falka ee halkaa ka howl-gala, ayaa waxa lagaga wada-hadlay sidii looga gaashaaman lahaa, isla markaana loo xakamayn lahaa cudurkaasi oo tiro dad ah soo ritay Maalmihii dambeeyey.

Dr. Ismaaciil ah oo ah Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Burco, ayaa sheegay in dhowr qof oo Shubanku ku dhacay Cisbitaalka la dhigay maalmihii u dambeeyey, waxaanu intaa ku daray “waliba Kiisaskan u dambeeyey waxaan aragnay Shuban-dhiig leh” ayuu yidhi isagoo warbaahinta la hadlayey markii Shirku dhamaaday.
Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Sanaag iyo saraakiil kale oo iyaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in loo baahanyahay in diyaar-garow miisaan leh lagu waajaho haddii uu xannuunkaasi si xoogle uga dilaaco Gobolka.
Halkan ka Daawo Muuqaal:









