Xanuunka Shuban Biyoodka Oo Si Xawli Ah Magaalooyinka Ugu Fidiya + Berbera Oo Uu Ka Curtay Iyo Xukuumadda Oo Ka Cabsanaysa In Ay Bulshada Dhex Gasho Xirsi Iyo Xertiisa Oo Loo Darsaday
Xanuunka shuban biyoodka oo markii hore ka curtay Magaalada Buuhoodle isla markaana u soo gudbay dhanka magaalada Burco ayaa si xawli ah iskaga kala gudbaya magaalooyinka Somalilad isaga o wakhtigan maraya Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Xukumadda Somaliland arintan afka ayey ka xidhatay wax gurmad ahna kama samayn iyada oo la sheegayo in masuuliyiinta qaar sheegen in ay xanuunka qadayaan hadii ay burco tagaan oo dadka dhex galen waxaana ay sugayaan sida qiyaastu tahy inta wasaaradaha iyo madaxtooyada uu ugu soo galayo.
Hadaan si wada jir ah loo xakamayn xanuunka shubanka waxa uu iskaga talaabaya guud ahaan Somaliland isaga oo daqiiqado koban ku sababaya Geeri iyo naf baxda.
Shacabku waxa ay u darsaden kooxdii sida hilaaca shacabka uga dhex iftimi jirtay marka arimaha noocan oo kale ahi dhacaan ee uu Wasiir Xirsi hogaaminayey
Arabsiyonews.com
wariye:cabdillaahi ahmed awmuuse








