Madaxweynaha Somaliya Oo Soo Kormeeray Xero Barakacayaal Ku Nool Yahiin , Kana Dhoofay Moqdisho + [ Sawiro ]

0

Moqdisho (AN):- Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta
kormeer ku tagay xero ay ku nool yihiin barakacayaal, ka hor inta aanu Madaxweynuhu ka dhoofin magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tagay xerada barakacyaasha ee beerta Daraawiishta ee ku taal agagaarka Taalada Sayidka, oo ku dhow Madaxtooyada.
Image may contain: 1 person, sitting, child and outdoor

Xeradan ayaa waxaa ku nool boqolaal qoysas oo ka soo barakacay gobolada dalka, waxaana kormeerka Madaxweynaha ku soo aaday, xilli dadkaas xaalado nololeed uu soo wajahay.Image may contain: 14 people, people smiling, people sitting and crowd

Madaxweyne Farmaajo ayaa u qeybiyay barakacayaasha Bacaha roobka laga galo iyo Bustayaal, oo ay si aad ah ugu baahi qabeen, maadaama roobab ay ka curteen magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Waa kormeerkii u horeeyay ee Madaxweyne Farmaajo ku tago xero ay degan yihiin barakacayaal, tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay, iyadoo goobaha barakacayaasha ka mid aheyd meelihii laga taageerayay xilligii doorashadiisa.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u dhoofay magaalada Addis Ababa, kaddib martiqaad rasmi ah uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Desalegn.Image may contain: 3 people, sunglasses and outdoor

 

arabsiyonews.com

abdilaahi ahmed awmuse