Moqdisho (AN):- Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo
ayaa goor dhoweyd loogu soo dhoweeyay magaalada Addis Ababa ee Caasimada Itoobiya.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Bole International Air Port ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Mas’uuliyiin kale.

Soo dhoweynta oo aheyd mid aad u heer sareysay ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa loo garaacay astaanta Calanka Soomaaliya, iyadoo calamada Soomaaliya iyo Itoobiya oo la is hareer sudhay ay ka banayay garoonka diyaaradaha iyo banaankiisa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uga bilaabatay Addis Ababa booqasho qaran oo qaadan doonta labo cisho, waxaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Itoobiya Mulato Tshome iyo Ra’iisul Wasaare Hailemariam.



ARABSIYONEWS.COM
Abdillahi ahmed aw-muse









