Hargaysa(Arabsiyonews):-Warsaxafadeed ka soo baxay wasaarada Arimaha gudaha S/land una ku saxeexan yahay Wasiir kuxigeenka Gobolada iyo degmooyinka ee Wasaarada Arimaha Gudaha Mudane Jaamac C/laahi Warsame (Jaamac Biin) ayaa waxaa xilkii lagag qaaday Gudoomiyihii hore ee Degmada Agabar Axmed Adeero halka Gudoomiye cusubna loo magacaabay Degmadaa Agabar Axmed Aadan Cumar
Warsaxafadeedka oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakada Agabarnews ee Magaalada Hargaysa ayaa waxa udhignaa sida tan

Isku soo wada duuboo Degmada Agabar oo ka tirsan Gobolka Gabiley ayaa waxa mudaba isasoo taraysay cabasho balaadhan oo dadwaynaha ku dhaqan magaaladaasi si cad uga soo horjeesteen hanaanka maamul ee degmadaas ,oo ay sheegeen in dhamaan kaabayaashii bulshada aanay ka taabaqaadin haday tahay caafimaadka ,waxbarasho ku filan iyo goobihii xafiisyada ee maamulka degmadu ku shaqayn lahaayeen .
sidoo kale degmada Agabar ayaa gabi ahaanba aan lahayn wax saldhig Boolis oo qayb ka ah hanaanka amini ee umadu ku hesho kala danbayn iyo xasilooni,taas oo la odhan karo cabashadaa isbiirsatay ee bulshada Agabar kaga cabanayaan maamulkooda in ay soo dadjisay xilka xayuubinta lagu sameeyey Gudoomiye Axmed Adeero,
Gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay Degmada Agabar Axmed Aadan Cumar ayaa waxaa horyaala hawlo aad ubalaadhan oo hirgalintooda laga dhursugayo.
waxaana lafilayaa labada masuul in maalinta Khamiista ee bisha 04 May 2017 si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyo Badhasaabka Gobolka Gabiley.
Source Agabarnews.com
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office









