gabiley (AN) :- waxa goor dhawayd shil baabuur ku galay inta u dhaxaysa magaalada gabiley iyo caasimada hargeysa wasiirka wasaarada hawlaha guud ee somaliland mudane cali xasan maxamed (cali mareexaan )
sida wararku nagu soo gaadhayaan waxa dhaawacyo fudud soo gaadheen laba ka mid ah askartii ilaalada wasiirka iyada oo ay ka badbaadeen wasiirka iyo dhamaan intii kale ee la socotayba oo uu ka mid ahaa siyaasi cabdilaahi geeljire
wasirku waxa uu safar ugu maqnaa gobolka awdal magaalo madaxdiisa boorama o hawlo shaqo u joogay
hadaba wadada u dhaxaysa ee isku xidha hargeysa iyo gabiley ayaa waxa ka muuqda dayac wayn iyada oo ay wadadu yeelatay godad waawayn oo hadiyo jeerah kuwa iyagu  sababa shilalka ka dhaca wadadaasi oo  mudoooyinkan u dambeeyay aad usoo badanaya
ARABSIYONEWS.COM
abdillaahi ahmed aw-muse








