TORONTO Â (ARABSIYO NEWS ) :- Waxaa Xulka Kubada cagta (Under 17 canada world cup qualification) ee ka qayb gelaya is reebreebka koobka dunida loo qaatay Zakaria Mustafa Cabdi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Dalka Somaliland,
Zakaria wuxuu bilaabay kubada cagta markuu ahaa 5 jir , wuxuuna u ciyaaray kooxo ka dhisan dalka canada gaar ahaan gobolka Ontario.
Wuxuu iminka u ciyaara Kooxda (MLS TORONTO F.C), Wuxuu ka ciyaaraa xagga hore weerarka(Forward).
Waa weerara yahan khatar uu ku dhaliya Goolasha labada lugood iyo madax,wuxuu kaloo ku wanaagsan yahay ciyaaraha oo dhan gaar ahaan Kubada koleyga iyo laliska iyo weliba ciyaaraha fudud gaar ahaan orodka 400M.
Zaki wuxuu ka soo jeeda Qoys ciyaraha ku wanaagsan, Aabihii waa Mustafa Cabdi Cartan oo ahaan jirey ciyaartoy laga yaqaaney Dalka Masar, India iyo Canada.Waana aasasihii kooxdii caanka ahayd (Northern Stars) ee magaalada Toronto.
Walaalkiis Nuux Mustafa Cabdi waa Tababare ku xigeenka kooxda Jaamacad Ryerson ee kubada koleyga(Basketball Team).
Walaalkiisii Cartan Mustafa Cabdi isna waa xiddig u ciyaara kubada Laliska(Volley Ball) jaamacada York University.
Zakaria Mustafa Cabdi wuxuu imminka jiraa daka Panama oo ay ka dhacayaan ciyaaraha koobka dunida is reebreebka hore.









arabsiyonews.com
abdillaahi ahmed aw-muse









