Wefdi uu hogaaminayo Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka qeyb galay shirkii 4 Afraad ee loo qabto dalalka Islaamka ee Qaradda Afrika oo Somaliland markii ugu horeysa lagu casuumo, shirkan waxaa lagaga hadlayay siddii dalalka Qarada afrika ee islaamka ahi ay u dhiiri gelin lahaayeen maalgelin ku dhisan nidaamka islaamiga ah ee loo yaqaan(Islamic Finance) iyo sidii loo fududeyn lahaa shuruucda bananka islaamka ee dalalkaasi.
![]()
Shirkaasi waxaa ka soo qeyb galay badi dalalka islaamka ah ee qaraada afrika oo ay Somalilandna ka mid tahay. madaxd Sharafeedkii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa
![]()
-Wasiirka Arrimaha dibedda&Isk. Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire
-Kaaliyaha xafiiska Madaxweynaha Tanzanaia H.E Faustin Kamuzora
-Safiirka dalka sudan u fadhi Tanzania H.E Mahgoub Ahmed
-Safiirka dalka Pakistan u fadhi Tanzania H.E Amir Khan
-Gudoomiye –ku Xigeenka Hayada Cameysika Tanzania H.E Saqware
Dhamaan madaxdaasi waxay hoosta ka xariiqeen ahmiyada ay leedahay in la dardar geliyo nidaamka maalgelinta bangiyada islaamiga ah.
![]()
Waxa xusdi mudan dadkii meesha joogay oo ay soo jiidatay markii Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland uu la wadaag in barlamaanka Jamhuuradda Somaliland ay ansixiyeen Xeerka Bananka Islaamka XEER LR.55/2012 oo Maxaweynahay Jamhuuryada Somaliland uu saxeexay dhaqan gelinta xeerkaasi 2012 bishii 10/03/2012.
![]()
Source: Wasaaradda Arrimaha dibedda &isk. Caalamiga ah ee
Jamhuuridda Somaliland








