Hargaysa march,29th,2017(Arabsiyonews.com):-Dalada ay ku bahoobeen jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF
ayaa Hargaysa ku qabatay kulan lagaga hadlayey ka faaidaysiga khayraadka dhulka hoostiisa kuduugan iyo sahaminta hawlaha shidaal baadhista,kulan kaasi oo ka qabsoomay hotel Ambassodor ee Magaalada Hargaysa.waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Tamarta iyo Macdan JSL Ing Xuseen Cabdi Ducaale,Garyaqaanka guud ee qaranka C/samada Cumar Maal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada .
kulankan ayaa ahaa mid lagu naaqishayey sahaminta shidaal baadhista ee dhawaan Wasaarada Tamarta iyo Macdanta Somaliland ay xaqiijisay in laga baadhayo qaybo kamid ah gobolada dalka ,sidii looga faaidaysan lahaa loona barbar istaagi lahaa ka faaidaysigiisa
Waxaana kulan kaasi faahfaahin dheer ka bixiyey Gudoomiyaha dalada SONSAF Mustafe Sacad dhinbiil
waxa uu yidhi “Ujeedada kulankan laga leeyahay waa wacyigalin oo marhadii daladu ay ma tasho qaybaha kala duwan ee bulshada raydika ah ee Somaliland waa in aynu gaadhsiino bulshada Wacyigalinta,waayo cida mashruucan ka faaidaysanaysaa ha ugu horeeyaan dadka deegaanadu shaqada sahaminta ayay marka ugu horaysa ka qayb galayaan,in aynu wadahelno waxay faaido utahay dhamaan bulshada Somaliland”
Nafiisa Yuusuf Agaasimaha Dallada Nagaad oo iyaduna kulankan kahadashay ayaa ku boorisay bulshada Somaliland sidii ay hawlaha sahaminta ugarab istaagi lahaayeen.
Gudoomiyaha Gudiga khayraadka dabiiiciga ee Golaha Wakiilada JSL Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil iyo Garyaqaanka guud ee qaranka C/samada Cumar Maal ayaa ka hadlay faaidooyinka ku duugan khayraadka dabiiciga ah.
“Kullanada noocan oo kale ah in xog la isdhaafsado oo decoment laga sameeyo hadhowna inta meel la dhigo maalgashi loo soo bandhigi lahaa aad iibin lahayd waxaagii waa arin mihiim ah kulankanina waa mid mihiim ah “ayuu yidhi Garyaqaanka guud ee qaranka C/samada Cumar Maal
“Wasiirku runtii dadaal dheeri ah ayuu galay mudo sadex jeer ayaa shirkado lala galay laakiin dhaqaajinta oo mihiim ah ayaa la kowsatay,inkastoo aanay shuruucdii Macaadiinta iyo shidaalka imikuun golaha horyaalaan hadana waa mihiim in la hirgaliyo”ayuu yidhi Gudoomiyaha Gudiga khayraadka dabiiiciga ee Golaha Wakiilada JSL Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil
ugu danbayntii kulankan waxaa soo gabagabeeyey Wasiirka Tamarta iyo Macdanta JSL Ing Xuseen Cabdi Ducaale waxaanu sharaxay Wasiirku heerarkii kala duwanaa ee uu soomaray hawlaha shidaal baadhista iyo sahamintooda
Waxaanu yidhi”Shidaalka waxaa labilaabayaa qodool oo wajiyo hore way ka horeeyeen laakiin kan ayaa ugu balaadhan wajiyada kala duwan ee badidoonkiisa bahalkani,dadka ayaanu isku yeedhnay waxgaradka ahaa ee umada ee u ahaa aqoon iyo waxgaradba maalmo dhan ayaan ay socotay hawshani .meel qof leeyahayna baabiin maayan oo taxadar ayay qabaan”

Arabsiyonews.com
Arabsiyonews@gmail.com
Hargaysa Office









