“Waxaan Aad Uga Xumahay In Siyaasiyiinta Gobolka Awdal Ayna Koreyn Kii Fadhiidkiina Difaacayaan Kii Waxtarayeyna La Eryanayo Anigu Arintaasi Maan Fahmin Se Hadeed Anigu Cidba Uu Habran Maayo.”Badhasaabka G.Awdal Mustafe Shiine
Borama(Arabsiyonews):- Badhasaabka G.Awdal Mustafe Cabdi Ciise Shiine Oo Maanta Mar Uu Ka Hadlay Munaasibad uu Xilka Ugu Kala Wareejinayo Xoghayaha Cusub Iyo Xoghayihii Hore Ee G.Awdal ayaa Faah Faahsan Uga Hadlay In Gobolka Awdal ay Farogalin Ku Hayaan Siyaasiyiinta Gobolka Ka Soo Jeeda Oo Uu Tilmaamay In ay Horumar Diyaar Uu ahay..
Badhasaabka G.Awdal Mustafe Cabdi Ciise Shiine Oo Arimahaasi Ka Hadlaya ayaa Yidhi”Gobolka Awdal Waxa uu ahaa Meelaha Nabada Loo Soo Doonan Jiray Se Hada Waxa aad Mooda In Uu Ka Danbeeyo Dhulkii Colaadu Ka Taagnayd Taasi ay Uu sabab Tahay Muran Dhexdiina Yaala Oo Wataasi Uu Asad Xilka Kaga Tagay Iyo Isku Fiirsasho Dhexdiina ayaa Dhintay.
Waxa aan Aad Uga Xumahay Gobolkaa Intaa Nabada Hayey Ee Gobolkii Aqoonta Somaliland ah In Siyaasiyiintiisu ay Koreyn Taasi ayaan Aad Uga Xumahay,Hadii aan Gobolka aan Laga Dayn Farogalinta Siyaasiga Ee Lagu Hayo Waxba Socon Maayaan.
Anigu Badhasaab ahaan Waxa loo baahan yahay Maalin walba in aan albaabka Madaxweynaha Taagan yahay In wasiirka Maaliyada Hor taagan Yahay In aan yidhaahdo gobolkii awdal waxaasi ayaa ka maqan malaha codkayga ayaa la maqlayaaye oo aan wax doono ayaa loo baahan yahay,ninka Xoghayaha ah Badhasaab Ku xigeenka,Mayirka Iyo Taliyaha Qaybta waxa Laga Rabaa in Gobolka Iyo Degmada Uu Shaqeeyaan.”
Badhasaabka G.Awdal Mustafe Shiine Oo Hadalkiisa Sii Wata ayaa waxa Kale oo Uu Sheegay”Waxa aan Aad Uga Xumahay in Kii Waxmatarihii Fadhiidka ahaa La Difaacayo kii waxtarayeyna waa la haystaa Oo waa la Eryanayaa anigu Taasi Ma Fahmayo Waxa aan rajaynayaa Kii Waxmataraha ah Waan iska Riixaynaa,Goboladii aan soo Maray Ilaa Rag Badan aan iska Riixnay Waxba Nooma Qabsoomin Raga Uu Haysta in Af-mishaarnimo Kuraasta Lagu joogo Ama Qof Hargaysa Jooga La Yidhaahdo Ebel baa Ku Neceb Hebel Baa Ku Caayayey Anigu Taasi Uma Arko In Kursiga Lagu Ilaashan Karo.”
Inta aan Joogo Gobolka Waxa aan Ku shaqaynayaa Cadaalad Iyo Daacad Qofna Ka Baqan Maayo Waxa aan Leeyahay Nimanka Siyaasiyiinta Anigu Ma Yihi Noocii Hore Waan Hadlayaa Walaahi Dadkana Runta ayaan Uu sheegayaaAynu Gobolka Ka Dayno Farogelinta Iyo Waxa Hoose ee Ku Jira Ka Waxmatarahana Yaanan Reernimo Lagu Difaacin Ama Adi ayuu Ku Jecel Yahay Ninka Waxtarayana yaynaanu Riixin Anigu Saas ayaan Ka Baxayaa.” Badhasaab Mustafe shine ayaa Sidaasi Hadalkiisa Ku Soo Gabogabeeyey.
By.Eng Mahamed Sharbi Yare
Borama/Awdal









