Axmed Muumin Seed oo si adag uduray Xilka Hogaamiyaha ee Xirsi loo cumaamaday iyo Magac uu ku sheegay

0

Waxaan Go’aan Ku Gaadhay In Aan Dhiso Muuse Biixi Cabdi Aniga Oo Aan Wax Shuruud Ah Ku Xidhayn” Axmed Muumin Seed

Guddoomiyihii garabka toosinta iyo Cadaaladda Xisbiga waddani Axmed Muumin Seed ee ku biiray Xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay in xilka Hogaamiye uu yahay mid sharci darro ah oo aan meelna kaga oolin shuruucda u taalla dalka iyo xisbiyadaba oo waraabe u taag uu ku sifeeyey.

Axmed Muumin Seed oo ka hadlayey munaasibad boorame Kulmiye ugu qabtay taageerayaal uu hogaaminayey oo ku soo biiray xisbigaasi, ayaa waxa uu sheegay in uu muuse biixi u dhisayo si bilaa shuruud ah oo uu dib u dhigtay abaalk uu u gelayo xisbiga Kulmiye iyo Guddoomiye Muuse Biixi oo uu ku sifeeyey mid qaabkii hogaamiye leh.

Guddoomiye Axmed Muumin Seed  oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Dadku wax ay isweydiinayaan Kulmiye muxuu ku siinayaa maadaama oo aad guddoomiye ku xigeen ahayd, waxaan go’aan ku gaadhay in aana kursi aan Distoorka Somaliland ku qornayn ama shuruucda xisbiyada aan ku qornayn in aanan somaliland sharci darro u horseedin, waxaan go’aan ku gaadhay in aan taageerayaashaydii, masiirkaygii iyo tii dhaqaale aan ku dhiso muuse Biixi Cabdi aniga oo aan wax shuruud ah ku xidhayn, waayo waxa muhiim ah in aynu dhowrno shuruucda qaranka, Tusaale ahaan haddii uu maanta muuse ii magacaabo hogaamiyaha kulmiye xaguu kaga qoran yahay shariga dalka iyo ka xisbiyadaba kumaba qornee, waa waraabe u taag uun, markaa intii aan waraabe u taag noqon lahaa waxaan ka door biday in aan abaalkayga dib u dhigto oo aan muuse Biixi soo Saaro, muddo afar bilood ah ayaanu dibadda taagnayn, caalamadaha aan muuse ku raacayna horta muuse beenaale ma aha, waana nin qaabkii hogaamiye leh oo aan musdambeed lahayn waanuu leeyahay calaamadihii hogaamiyaha”