Madaxweyne Trump Oo Saxiixay In Maraykanku Uu Ka Boxo …..

0

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ka dhabeeyaysamaynta mid ka mid ah waxyaabihii uu sheegay intii uu ku jiray ol’olaha doorashada isaga oo saxiixay in uu ka baxo heshiiska TPP loo yaqaanno ee ganacsiga xorta ah.

Heshiiskan oo ay ku wada jiraan 12 dal ayaa ahaa mid uu madaxwaynihii hore ee Maraykanka Barack Obama u arkayay in ay muhiim u tahay siyaasaddiisa Aasiya.

 

Trump oo qalinka ku duugaya ka bixida heshiiska ayaa sheegay in ay arrintaasi muhiim u tahay shaqaalaha Maraykanka.

 

Waxaa kale oo uu jaray lacagihii la siin jiray ururadii caalamiga ahaa ee bixin jiray adeegga ilmo iska soo xaaqidda wuxuuna istaajiyay shaqaalaysiinta qaar ka mid ah shaqaalaha federaalka.

Trump intii uu ku jiray ol’olihiisa doorashada wuxuu dhaliilay heshiiskan ganacsiga xorta ah ee TPP wuxuuna sheegay in uu “masiibo ku yahay dalka” wuxuuna ku dooday in uu waxyeeleeyay warshadaha dalka Maraykanka.