BOQOR BUUR MADOW OO SHEEGAY IN HESHIISHKU AHAA ……

0

Boqor Cismaan Maxamuud Buur-Madow Oo Ka Tirsan Salaadiinta Somaliland Ayaa Ka Dhawaajayay In Muddada Xukumadda Siilaanyo Loo Kordhinayaa Ay Tahay Muddo Ka Badan In Imika Lagu Heshiiska Yahay Oo Ah Lix-Bilood.

Hadalkan Ka Soo Yeedhay Buur-Madow Ayaa Ku Soo Beegmay Xili Uu Shalayto Dalka Ku Soo Noqday Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan;

Buur-Madow Ayaa Waxaa Hadalkiisa Inta Badan Ka Muuqday In La Kordhinayo Mudada Doorashadda In Ka Badan Hal Sanno

Buur-Madow Ayaa Wuxuu Boqor U Yahay Beesha Barriga Burco Oo Madaxwayne Siilaanyona Ka Mid Yahay.

Hadalkan Ayaa U Muuqda Mid Ay Isla Og-Yihiin Siilaanyo Iyo Beeshiisu Muddada Loo Kordhinayo Xukumadda Wakhtigeedii Dhamaadka Tahay.

Lama Garanayo Waxaa Buur-Madow Ku Falikay In Uu Ka Hadlo Arrimaha Muranka Adagi Ka Taagan Yahay Ee Doorashadda.

Dhinaca Kale Haddii Sidda Uu Sheegay Buur-Madow La Kordhiyo Sanad Iyo In Ka Badan Waxaa Rumoobaya Weedha Ah In Talo Reer Lagu Kordhiyay Muddo Xileedka Siilaanyo.

Geesta Kale Lama Hubo In Madaxtooyaddu Ka Dambayso In Uu Ka Hadlo Doorashooyinka.