Shabeele {Arabsiyo News}–Wararka ka imaanaya deegaanka Garas Bintow ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday dhacdo argagax iyo naxtin badan ku beertay dadka deegaanka kadib markii nin kamid ahaa dadka deegaanka uu halkaasi ku dilay xaaskiisii hore.
Sida aan Wararka ku heleyno nin kamid ahaa dadka deegaanka oo magaciisa lagu sheegay Liibaan Xassan ayaa si xun u diley Xaaskiisa hore Saafi Faarax Qaasim, waxaana la sheegay in gabadha la dilay ay hada Uur dhoor bilood laheyd.
Dadka deegaanka ayaa ku waramay in Liibaan dilka uu u adeegsaday toorey uu dhoor mar ku dhuftay xaaskiisii hore ay kala tageen, waxaana gabadha la dilay ay hada aheed xaas uu nin kale qabo, balse sababtay gacanta ninkeedii hore.
Ninka dilka geestay ayaa isna la sheegay in uu toorey caloosha isaga dhuftay, waxaana ninkaasi oo qaba dhaawac culus la geeyay isbitaal oo lagu daweenayaa, waxaana dhacdadan ay noqtay mid argagax badan ka abuurtay deegaanka Garasbintoow.
Ninka dilay Xaaskiisa hore ayaa la sheegay in ay horey ugu dhashay labo caruur balse ay kala tageen, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in uu dilkan salka ku hayo arimo maseyr iyadoona gabadha la dilay ay hada Uur u laheed nin kale oo qaba.
Dhacdadan oo kale ayaa maalmo kahor ka dhacay magaalada Pretoria ee caasimada Koonfur Afrika kadib markii Nin Soomaali ah uu halkaasi ku dilay xaaskiisii hore kadibna isaga goobtaasi isku dilay, waxa ayna dhacdooyinkan yihiin kuwa aan raad ku laheyn diinta Islaamka iyo dhaqankeena suuban.
Arabsiyo.com
ArabsiyoNews@gmail.com









