Daawo Wasiir Cadaani Oo Xalay Idaacada Qaranka Ee Radio Hargeysa Ka Sheegay In Shirqool Lagu Khaarijinaayo Iyo Cida Dileysa

0
Wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid 

Cadaani ayaa waxaa uu idaacada qaran ee Radio Hargeysa xalay ka sii daayey war sheegaya in shirqool lagu khaarijin doono .

Warkan oo xalay ka baxay Idaacada ayaa inankii xidhiidhinayey waxaa uu ku sheegay in ay warkan ay ka soo xigteen baraha Internet isla markaana waxaa idaacada laga bahiyey cod aan la garaneen cida uu yahay oo lagala soo baxay groups ka Whats App ka .

“Wasiir Cadaani xuduudkii wuu dhaafay ,oohintiisii dooxa Hargeysa ayey mareysaa markaas ninkan waa la basrin doona ” ayaa lagu yidhi codkan aan la garaneen cida uu yahay

 

Muddane Cadaani Wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland isaga ayaa ay hoos timadaa maamulka Idaacada Radio Hargeysa waxaana muuqata in hawl wadeenada idacaadaasi isagu siiyey amarka ah in codkan laga baahiyo idaacadii dhameyd ee qaranku wada lahaa , mana aha markii labaad ee cod lagala soo baxay Whats Appka laga sii daayey idaacad intii uu wasiir Cadaani joogay oo hore waxaa looga sii daayey cod lagu sheegay Xildhibaan Siciid Cilm Rooble oo dadka deegankiisa kicinaya .

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan