hargeisa {AN}-Mujaahid Cali Guray ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ga waxaa uu ku sheegay in uu raali galin ka Bixinayo Jawaab uu Siiyay Amin Caamir
Qoralkii uu soo gadhigay bartiisa Facebook guna waxay u qornaa sidan :-
“Amin Aamir raaligelin baa ka siinayaa kuwii fulayda ahaa ee isticmaalay magaca Amin Arts iyo aniga oo hubsiimo la’aan weerar ku qaatay. Labadaba arinba aniga ayaa xaal ka siinaya.
Waxan leeyahay fulayda gardarada badan ee sidii hasha geela cunta ee hadana cabaadaysay ah anigu weli dib baan u fadhiyaa maalinta aan hore u soo fadhiisto waxan noqon doonaa AF HAYEENKA MUUSE BIIXI ballan waxan ku qaaday in aanu isagu dib wax idiin odhanin ee aan idinka furto. Anigu xil siyaasi ah maan qaban musharaxna ma ihi kuwii ahaa ee qof qof loo wada garanayay halka ay isugu biyo shubteen waa la yaqaanaa.
Kuma dhacaan inay iyagu cid wax ka sheegaan kamana sheegi karaan waxa iyaga laga sheegi karo. Waana run waana la wada ogyahay.
Degdega iyo hubsiimo la’aanta ha igula yaabina nin aan ahay ayaan u ahaye(Isaaq) ” ayuu yidhi Muj Cali Guray










