War Deg Deg ah Laba hablood oo Soomaali walaalo ah oo si isku mida loogu dilay Dalka ……

0

Labadan hablood ayaa si balaadhan looga yaqaanaa bulshada Somalida ah ee ku dhaqan Magaalaga Ottawa.

Hargeisa (HWN) Labadan hablood ee Walalaha ah oo Somali ah ayaa si iskumid ah loogu dilay guri kuyaalla  meel u dhaw Wadada McCarthy ee Magaalada Ottaw , Canada.

Sucaad Mohamed oo ah saaxibada labadan hablood ee Somalida ayaa sheegtay inay ahaayeen labo  hablood oo aad u wanagsan oo lakala odhan jiray  Nasiba Noor ,29 jir ah , iyo  Asma Noor ,32 jir ah , labadooduna ay kunoolaayeen magaalada Ottawa.

Sucad Mohamed oo warbixin kabixsay labadan Hablood ee Somalida ah ayaa sheegtay inay is yaqaaneed muddo  10 sano ah . Waxay sheegtay  in  gabaddha Nasiba ay ahayd macallimad Quran oo dadka  barta quranka , iyada oo sheegtay inay iyadana bartay Quranka.

Labadan hablood ayaa  si balaadhan  looga yaqaanaa bulshada Somalida ah ee ku dhaqan  Magaalaga Ottawa.

Mohamed Said oo kusugnaa Edmenton oo  telephone  laga waydiiyay aqoonta uu u leeyahay intay  gaadhsiisantahay ayaa sheegay  inay ahaayeen labada hablood  dad aad u wangsan oo haddii aad barato aadan ka xiiso goyneynayn.

Kadib dhimashada labadan  dumar ee Somalida ah   ,ciidanka Ammaanka ayaa lagu soo wargaliyay inay yimaadaan  Wadada McCarthy , Ottawa  abaara 9.pm , halkaas oo ay ka soqadeen labad marxuum oo yaalla  goobta.

Anver Malam,  oo ah imam ka iyo aasaasaha Masjidka  Jami Omar oo kuyaalla wadada Old Richmond Road, ayaa sheegay in labada hablood la aasi doono  maanta  oo axad ah  saacadu markay tahay 1.pm , laakin waxa uu kacodsaday in dad waynuhu  yimaadaan masaajidka Salaadda Duhur si ay uga qayb galaan salaadda Janaasada ah.

Waxa uu intaas ku daray in lagu aasi doono labada marxuum xabaalaha  Muslimiinta ee magaalada Ottawa.

Imamku waxa uu sidoo kale sheegay  in arrinta muhiimka ah ee imika loo baahanyahay ay tahay in loo duceeyo labada marxuum iyo qoyska ay ka baxeen  oo u baahan imika  in lagarab istaago.

Nin saxafi ah ayaa sheegay  inuu jiray nin aan wali haybtiisa la aqoonsan oo taagnaa   goobta dilku kadhacay  iyada oo wakhtigaasi ahayd wakhti aad u qabow. Ciidanka Ammanka ayaa ninkaas gacanta ku dhigay , mana jiro illaa hadda cid si cad loogu soo eedeeyay inay kadanbeysay dilka labadan Marxuum.

Labadan hablood  ee ladilay ayaa noqonaya  dilkii  noocan oo kale ah   ee 23 aad  iyo 24 aad ee dhaca sanadkan gudihiis.