Shiinaha Oo Qabtay Markab Gujis Ah Oo Baddooda Ku Soo Xad Gudbey Iyo Dalka Laga Leeyahay

0

Washinton ayaa cabasho rasmi ah u gudbisay Shiinaha, ka dib

markii askarta Badda ee Shiinaha ay ka qabteen gujis bilaa naakhuud ah oo Ameerikaanku leeyahay oo maraayey badda South China Sea.

Image may contain: ocean, sky, water and outdoor

 

Wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa sheegtay in wax la fahamsan yahay inuu yahay gujis cilmi baadhis saynis ah samaynaya uu hawl ka waday biyaha caalamiga ah ee ka baxsan Filibiin.

Waxay sheegeen in badmaaxayaal shiinees ah ay hore ka dafeen, ayadoo markab ay leeyihiin ciidanka badda ee Maraykanka uu doonayey inuu soo saaro. Ma jirto jawaab ka soo baxday Shiinaha.

Shiinaha ayaa ka cadhooday markii bishan gudaheeda uu madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, su’aal galiyey sida ay dalkiisa uga go’an tahay inuu u ilaaliyo siyaasadda Beijing ay madax banaanideeda ku hoos keenayso Taiwan.