Laascaanood: 3 Cisho Iyo 3 Dil, Gacan Ku Dhiiglayaashii Oo La Hayo Iyo Ciidanka Booliska Oo Si Adag Uga Hadlay

0

Laascanood(Arabsiyonews) :-Ciidanka Amaanka ee magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, ayaa gacanta ku soo dhigay gacan ku dhiigleyaal shalay gudaha madaagaladdaasi ku toogtay mid ka mid ah ganacsatada Laascaanood.

Laba nin oo la sheegay in ay ku labis naayeen dirayska ciidanka Millateriga Somaliland, ayaa shalay barqadii ku dilay badhtamaha magaaladda Laascaanood toogasho ku dilay Ganacsade lagu magacaabi jiray Bile Cabdi  Sugulle oo ka mid ahaa dadka ka ganacsada jaadka.

Ciidanka amaanka, ayaa hawl gal ay ku baacsadeen raggaasi toogashada ku dilay ganacsadahan waxa ay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan, kuwaas oo laga soo qabtay meel u dhow magaaladda Laascaanood, ka dib dedaal adag oo ay ka galeen ciidanka amaanku sidii ay raggaasi u soo qaban lahaayeen  waxa ay ku guulaysteen in ay soo qabtaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Sool Gaashaanle Dhexe Ibraahin Jaamac Daad oo ka warbixiyey hawl galka ay raggan dilka geystay ku soo qabteen, ayaa waxa uu yidhi “Magaaladda waxa ka dhacay shil uu ku dhintay ALLA ha u naxariistee marxuum Bile Sugulle Maxamed oo uu dilay Gacan ku dhiigle siciid Hurre Shire iyo Axmed Hurre shire oo uu gacan tooda ku baxay, waxa ay ciidanka amaanku ku guulaysteen in ay soo qabtaan gacan ku dhiigleyaashaas waana la hayaa, habeen horena waxa lagu dilaymarxuumad aamina Cabdirisaaq Cabdilaahi oo uu dilay gacan ku dhiigle Saygeedii ahaanjiray laguna magacaabo Ciise Darmaan iyo nin ay madaxa wax kaga dheceen oo dhaawac weyni gaadhay, waan ku amaanayaa ciidanka amaanka sida ay uga hawl galeen, waxaan u sheegayaa dadka in gacan adag lagu qaban doono cid kasta oo amaanka wax u dhimaysa”

Gen. Cali Axmed Shire Duuble oo hor kacayey hawl galkan lagu soo qabtay raggan dilka geystay oo warbaahinta uga warbixiyey, ayaa waxa uu yidhi “Ninman sitay dirayska ciidanka Millateriga oo inta ay wax laayeen isku deyey in ay baxsadaan ayaan soo qabanay, wax dhib ah oo kalena kama dhicin sidii waajibaadku ahaa ayaanu u gudanay hawshaas, aniga iyo ciidankayga ayaa ka hawl galnay hawshaas si wanaagsan ayaanu ugu guulaysannay arrintaas” ayaa ka mid ahaa hadalladii taliska booliska laascaanood ee soo qabtay gacan ku dhiigleyaashan.

Dhinaca kale dadweynaha ku dhaqan magaaladda Laascaanood, ayaa soo dhaweeyey soo qabashada raggan gacan ku dhiigleyaasha ah ee dilka ka geystay magaaladdaasi, waxaanay uga mahad celiyeen ciidanka amaanka ee ka hawl galay sidii loo soo qaban lahaa raggaasi oo ay sheegeen in ay ku bogaadinayaan soo qabashadooda.

Source Wargayska Saxansaxo

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office