“Haddii Uu Xildhibaan Diidan Yahay Waa Fikirkiisa Shaqsiga Ah, Siyaasadda Xisbiga Kulmiyena Ma Aha Mid Ka Soo Horjeedda….” Xildhibaan Balaaki

0

Hargaysa(Arabsiyonews)Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige (Balaaki) oo ka mid ah Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye ugu jiray Golaha wakiilada, isla markaana ka mid ahaa mudaneyaasha saxeexay mooshinkan, ayaa si adag uga hadlay mooshinka lagu doonayo in lagu ansixiyo gobolada cusub waaanuu sheegay in aanuu kulmiye diidanayn in la ansixiyo.
Xildhibaan Ballaaki oo u waramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa  waxa aanu wax  ka waydiinay eedaha loogu jeedeyey xildhibaanada Kulmiye in ay diidan yihiin ansixinta gobolada cusub, waxa uu ku jawaabay “Arrintaas waxa ay iila muuqataa wax aan sal iyo baartoona lahayn, kulmiye wax diidayna ma jiree anigaaba saxeexay mooshinka oo kulmiye ka mid ah  oo inta badan ee saxeexdayna waaba Kulmiye, moohsinkuna ma aha mooshin khuseeya Kulmiye iyo Waddani-ye waa mid khuseeya ansixinta gobolada cusub,markaa qofka ku galgalanayaa waa qof raba in aanuu waxani soconin, cid diidayna ma jirtee waxa loo gudbiyey shir guddoonka oo waxa uu marayaa nidaamkiisii sharciga ahaa”

Cabdilaahi Xuseen Cige Ballaaki oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey “Way dhici karaan shaqsiyaad fikir ahaan diida, waxaana loo gudbiyey la taliyaha sharciga Xasan Cawaalana waxa uu arkayey xildhibaanno diidan, waxaanay ku xidhan tahay ansixinta mooshinkaasi waxa ay xildhibaanadu ka yeelaan, kulmiye goormuu wax diidi karaa golahaba lama hor keenin mooshinka ansixintiisa, xildhibaanada Kulmiye ayaana u badan kuwa soo jeediyey ee saxeexay lamana soo hordhigin golahee maxaa la diidaa, soo jeedin ayuunbaa timid shir guddoonkuna wuu qabtay wax la diidayna ma arkayee ha la gaadho maalinta loo codaynayo, haddii uu xildhibaan diidan yahay waa fikirkiisa shaqsiga ah kamana turjumayo Xisbiga, siyaasadda xisbiga Kulmiyena ma aha mid ka soo horjeedda in la ansixiyo Gobolada Cusub”

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office