Arabsiyo(Arabsiyonews):- waxa maanta la soo gaadhsiiyey dadka ka soo barakacay Abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah Gobolada S/land ee ku sugan kaam ku yaal Degmada Arabsiyo, Agab kala duwan .sida raashin iyo deeq Bustayaal oo loogu tala galay Xiligan qaboobaha jira ,Munaasibadaas ayaa waxaa ka qayb galay Maamulka Degmada Arabsiyo iyo Masuuliyiintii deeqdaa waday.

Waxaana faahfaahiyey Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo C/laahi Cabdi Faarax isagoo uga mahadnaqayn cidkasta oo udamqatay dadkan Abaaruhu saameeyen ee ku sugan Kaamkan deeqda lasoo gaadhsiiyey
Waxaana hadaladiisi kamid ahaa
“Ilaahow abaarta naga saar dadkani waa dadkii ka soo guuray gobollada abaartu saamaysay en soo gaadhay degmada Arabsiyo dadkaas oo ka soo kala hayaamay gobollada Togdheer,Daadmadheedh ,gobolka Hawd,Saaxil ,dawlad deegaanka soomaalida Ethiopia iyo qaybo ka mid ah bariga gobolka Maroodijeex.Dadkan waxa maanta la soo gaadhsiiyey gurmad raashin bustayaal dhar bacaha hoyga laga dhigto iyo agab kale.intani waa laba goobood oo keli ah waxa jira goobo kale oo badan oo aanaan wada gaadhin inkastoo aanu muddo todobaad ah ku mashquulsanayn sidii gargaar loogu fidin lahaa hadday tahay cunto dhar iyo kooxo caafimaadka dadkaa la tacaala.waxan mahad u celinayaa dawaynaha reer Arabsiyood oo si hagar la,aan ah ugu gurmaday. waxan Ilaahay ka baryayaa in uu gargaarkiisa iyo raxmaddiisa innala soo gaadho ”

Dhanka kale Gudoomiyuhu waxa uu fariin udiray qaybaha kala duwan ee bulshada sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen taakulaynta dadka abaaruhu ku habsadeen iyo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen xiligan sidii loogu gurman lahaa dadka ka soo barakacay degaanada Abaaraha

Arabsiyonews.com
Hargaysa Office









