Xoghayihii Dawlada Hoose Degmada Caynaba Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Sababta Loo Xidhay Oo Xogo Kasoo Baxeen

0

Caynaba {AN}–Wararka naga soo gaadhaya magaalada Caynaba ee xarunta gobolka saraar ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay xoghayihii dawlada hoose ee degmada Caynaba Cumar Maxamuud Muuse.

Waxaana xadhiga xoghayuhu uu ka danbeeyey sida naloo sheegay kadib markii lagu soo eedeeyey arimo musuq-maasuq ah oo la xidhiidha raashin mucaawimo ah oo loogu tala galay in la gaadhsiiyo dadka ay abaaraha baahsani ku saameeyeen deegaanada hoos yimaada gobolka saraar.

Waxaaan sida ay xoguhu noo sheegeen xadhiga xoghayaha ka danbeeyey masuuliyiinta gobolka saraar,isaga oo wakhti xaadirkana ku xidhan saldhiga magaalada Caynaba.

 

Arabsiyo.com

ArabsiyoNews@gmail.com

 

Source: Ramaas