Deg Deg Guddoomiyaha Degaanka Ceelasha-Biyaha oo Qarax ka ….

0
ArabsiyoNews—Wararka naga soo gaaraya Degaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Qarax lala beegsaday Guddoomiyaha Degaanka Ceelasha-biyaha Ayaan Xasan Xaaji ay ka badbaadey Qarax isla Degaanka lagula Beegsaday.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay Warbaahinta in Qaraxa oo ahaa Miino Guddoomiyaha loo dhigay Bartamaha Degaanka Ceelasha Biyaha,balse ay ka badbaadey.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulk Degaanka Ceelasha Biyaha oo lala xiriiray ayaa sheegay in Qaraxa ay ku dhaawacmeen illaa Saddex Qof oo Shacab ah sida ay  hadalka u dhigeen islamarkaana aysan jirin Wax Khasaare ah oo Guddoomiyaha ka soo gaaray.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Degaanka ka bilaabay Howlgallo,waxaana ay wadaan Baaritaano

wixii warar soo kordha kala soco Shabakada ArabsiyoNews