Daawo Xisbiga Wadani oo kahadlay halka uu ku danbayn doono booska Gudoomiye Ku xigeenkii Xisbigaas Seed iyo Muumin Seed oo meel adag iska taagay

0

Hargaysa(AN)Xisbiga mucaaridka ah ee waddani, ayaa ka hadlay warar sheegaya in booska Axmed Muumin Seed ee Guddoomiye ku xigeenka kowad laga qaadayo, taas oo xisbigu ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin, waxaanay sheegeen in ay wada hadal la wadaan oo ay rajo fiican ka qabaan in uu Axmed Muumin Seed ku soo laabto xisbiga. Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo khadka Telefoonka ugu warramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa sheegay in aanay jirin xisbigana ka suurtoobayn in axmed muumin seed laga qaado Booskiisa, waxaanuu sheegay in ay meel fiican u marayaan wada hadal ay la wadaan oo ay ku doonayaan in ay ku qanciyaan tabashadiisa.