Mushararaxa Madaxwayne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegey in uu ka tanaasulay qabashada qabashada shirwaynihii aan caadiga ahayn ee uu garabkiisu hore u sheegay in uu qabsanaayo 6 bishan oo ku began maalinka Axada ah ee todobaadkan
Jamaal Cali Xusseen waxa uu ku sababeeyey joojinta shirwaynahaasi ee garabkiisa in uu u hogaamsamaayo amaiwaan galinta Ururada siyaasada ee ahaa in aan la qaban laba shirwayne isla markaana ay dib u dhigis ku samaynayaan Shirkaasi uu qabsan lahaa.
Dhanka kale garabka gudoomiyeFaysal ayaa qorsheeyey in ay shirwaynaha aan caadiga ahayn ee xisbigaasi qabsan doonaan maalinta Isniinta ah ee 7 bishan,
Balse lama oga waxa ay uu ku dhamaan doono shirkaasi iyo qaabka uu u qabsoomi doono maadaama ay laba garab u kala fadhiyo xisbigii Ucid.
Arabsiyo.com
ArabsiyoNews@gmail.com








