Hargeisa {AN}–Gudoomiyaha Gudida Diwaangalinta Ururada siyaasiga ah ee Somaliland Cabdirisaaq Ciyaale oo goor dhaweyd saxaafada la hadley waxaa uu amar deg deg ah ku soo rogay labada garab ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID
Gudoomiyuhu waxaa uu ugu baaqay labada garab in ay joojiyaan labada shir ee ay ku kala dhawaaqeen balse ay qaban karaan oo kaliya shirkii ay maxkamada sarre iclaamisay waxaana uu yidhi
“Gudidu diwaangalintu waxaa ay fareysaa labada garab ee xisbiga UCID in ay joojyaan laba shir ee ay ku kala dhawaaqeen oo aanu midna waafaqsaneen sharciyada waxaana la qaban karaa oo kaliya shirkii ku xusnaa s qaraarkii maxkamada sare inta aanay dhamaan 60 kii cisho ee ay cayintay maxkamadu ” ayuu yidhi gudoomiyaha gudida diwaangalintu
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan








