Hargeisa {AN}–Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxaa uu ka hadley digniin ay maanta gudida diwaangalintu u kala dirtey labada garab ee xisbiga UCID .
Muddane Faysal Cali Waraabe waxaa uu sheegay in uu qabsoomayo shirka aan caadiga aheyn ee xisbigaasi bishan 07.11.2016 isla markaana aanay jirin cid joojin kartaa , gudida diwaangalintuna aana hor istaagi karin shirkaas waxaana uu yidhi
“Arintu hada uma taalo gudida diwangalinta waxey u taala in aanu fulino go,aankaas maxkamada ,waanu dhacaya xisbiga shir weynaha aan caadiga aheyn ee xisbigu bisan 7 deeda cid joojin kartaana ma jirto , gudidaas awooda uma laha in ay ku joojiso qaraarka maxkamada , sharci buu dalku ku socdaa hadii sharci lagu kala socon waayana gacmaha ayaa layskula tagi doona ” ayuu yihdi gudomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan
Arabsiyo.com
ArabsiyoNews@gmail.com








