CIIDAMADA CIRAAQ OO KAABIGA KU HAYA MAGAALADA MOSUL IYO DAACISH OO IS QARXIN KALA HORTIMID CIIDAMADA HUWANTA AH + SAWIRO.

0

Ciraaq {AN}–Ciidamada Milatariga ee taageerada ka helaya maleeshiyaadka kurdiyiinta iyo kuwa Shiicada ayaa kaabiga ku haya magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ciraaq ee Mosul, halkaas ay wali maamulayaan dagaalyahanada Daacish.

Ciidamada Huwanta ah ayaa horumaro ka sameenaya duulaanka ay ku qaadeen magaalada Mosul, waxa ayna maanta la wareegeen deegaano hor leh oo kuyaala duleedka magaalada , waxa ayna ciidamada hada kabaiga ku hayaan gudaha magaalada Mosul.

Dagaalyahanada Daacish ayaa difaac adag kaga jira gudaha magaaada Mosul, waxa ay sidoo kale Daacish duleedka magaalada ku diyaarisay dagaalyahano u diyaarsan in ay is qarxiyaan iyo waliba gaadiid ay waxyaabaha qarxa ka buuxaan.

Ciidamada Huwanta ah ayaa maanta duulaanka ay ku qaadeen Magalaada Mosul waxa ay kala kulmeen iska caabin xoogan oo loo adeegsaday is qarxin iyo hoobiyaal, waxaana saraakiisha milatariga sheegeen in dagaalka maanta uusan qasaaro badan kasoo gaarin.

Duulaanka ciidamada Milatariga Ciraaq ku qaadeen magaalada Mosul waxaa dhinaca cirka ka taageeraya diyaaradaha dagaalka Isbaheysiga Mareykanka hogaaminayo, waxaana magaalada Mosul inta badan ka baxay Hogaamiyaashii Daacish iyo qoysaskooda ee halkaasi ku noolaa.

Halkan Ka Daawo Sawirada