Galmudug {AN}–Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saakay xaalada magaaladaasi ay tahay mid degan, kadib dagaalo xoogan oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday halkaasi.
Ciidamada Maamulada Galmudug iyo kuwa Puntland ee ku dagaalamaya Galbeedka magaalada Gaalkacyo ayaa wali isku hor fadhiya jiidaha hore ee dagaalka, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale ay ciidamada ay dagaalamaan.
Dadkii yaraa ee ku haray xaafadaha ku dhaw dhaw halka ay dagaalku ka socday ayaa wali wada in ay halkaasi isaga qaxaan, waxaana inta badan haawaneysa oo laga qaxay qeybo badan oo kamid ah magaalada Gaalkacyo.
Ciidamo gurmad ah ayaa wali gaaraya jiidaha hore ee dagaalka , waxaana jirta cabsi laga qabo in mar kale ciidamada labada maamul uu halkaasi ku dhax maro dagaal xoogan oo dhiig badan uu ku daato.
Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa wali midba kan kale ku eedeenaya dagaalka Gaalkacyo, mana jirto ilaa hada cid wada dadaalo muuqda oo lagu doonayo in lagu xaliyo dagaalka kasoo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad 70 kun oo qof in ay ku barakaceen dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo, waxaa sidoo kale dagaalkan qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray dad shacab ah.
Galmudug Office
ArabsiyoNews@gmail.com








