War Culus :Gudoomiye kuxigeenkii Xisbiga Wadani iyo Xubno ka cadhooday shirkii Ambasodor oo hada shir uga socdo Guri kuyaal Magaalada Hargaysa iyo Go’aano

0

Hargaysa(AN) Gudoomiye ku xigeenkii kowaad ee Xisbiga Wadani iyo Xubno ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga Wadani Taabacsana Axmed Muumin Seed ayaa shir Albaabadu uxidhan yihiin waxa uga Socda Guri kuyaal Xaafadaha Magaalada Hargaysa,waxaana  shirkaasi lagaga Arinsanayaa dhacdadii maanta ka dhacday Hotel Ambasodor ee Magaalada Hargaysa,Xubnahan uu horkacayo Gudoomiye Axmed Muumin Seed ayaa si wayn uga biyo diiday hanaankii loo maamulay doorashadii Musharaxa Madaxwayne Ku Xigeen ee Xisbiga Wadani  iyagoo xubnahani sheegay in goobtaasi cadaalad daro ka dhacday.

Shirka hada ay ku jiraan Xubnahani ayaa ah mid aan gabi ahaanba Warbaahinta loo ogolayn oo albaabadu uxidhan yihiin laakin ila xogogaal ah oo shabakada ArabsiyoNews ay helayso ayaa sheegaya in saacadaha soo socda Xubnahani Miisaanka Culus kulahaa Xisbiga Wadani ay ku dhawaaqayaan Garab xoojin doona garabyadii hore ee ka baxaya Xisbiga Wadani kaas oo lagu midaynayo Xubnihii tirada badnaa ee maalmihii udanbeeyey warbaahinta ku soo bandhigayey in ay iska casileen Xubinimadii Xisbiga

Garabkan ayaa la filayaa in uu hogaamiyo Axmed Muumin Seed kuwaas oo ka tashanaya halka ay iskugu biyo shuban doonaan ,

Lasoco Wararka kale ee ka soo kordha Shirkaas Shabakada  Arabsiyonews

 

 

Arabsiyo.com

Hargaysa Office